X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Laga Cabsiqabo Inay Weerarro Fuliyaan

Araweelo News Network
 
Muqdisho(ANN) Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay inay qorshaynayaan weerarro khasaare culus sababa oo ay la beegsadaan goobo muhiim ah oo ku yaal magaalooyinka dalka Soomaaliya.
Sida ay baahisay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA shalay, warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo ammaan ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab diyaarinayaan weerraro ay la beegsadaan xarumaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya kaga sugan yihiin ajnebiga, gaar ahaan kuwa dalalka reer galbeedka ee ku yaal magaalada Muqdisho.
Ilo xog-ogaal ah, ayaa tibaaxay inay Al-shabaab doonayaan inay weerarradan kaga aargutaan duqeymo iyo hawl-gallo ciidammo shisheeye ku qaadeen beryahan dambe saldhigyada kooxdaasi ku leeyihiin degaanno kala duwan oo ku yaal, isla markaana lagaga dilay saraakiil iyo tiro dagaalyahanno ah.
Sida warbixinta lagu xusay meelaha laga casbsi qabo inay Al-shabaab weerarrada la beegsadaan waxa ka mid ah garoomada diyaaradaha, xafiisyada diblomaasiyiinta shisheeye, hay’adaha caalamiga ah, xarumaha dawladda Federaalka Soomaaliya, hudheellada ajnebiga iyo masuuliyiinta xukuumadda Muqdisho ku sugan yihiin.
Cabsidan ayaa timi laba casho kaddib markii dawladda Maraykanku uga digtay muwaaddiniinteeda inay booqdaan degaannada Soomaaliya oo lagu daray dalka Jamhuuriyadda Somaliland sababo la xidhiidha weerarro laga yaabo inay Al-shabaab ku bartilmaameedsadaan dadka ajnebiga ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post