Araweelo News Network

hoobiyayaalalshaabMogadishu(ANN) Tobaneeyo qof, ayaa ku dhintay weerrar hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdishu.

Hoobiyayaasha ayaa laga soo tuuray xaafado u dhow madaxtooyada oo mid ka mid ah uu haleelay Aabe iyo labadiisa caruurta ah iyo sidoo kale haweenay shaqaale ahayd.
Waxaa kaloo ku geeriyooday macalin dugsi qur’aan iyo qaar ka mid ah Askarta Ilaalada Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid. sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Sidoo kale Agaasimaha Cusbitaalka Daaru-Shifaa ee magaalada Muqdisho, ayaa isaguna sheegay in icusbitaalka la geeyay ilaa 9 qof, oo laba ay mayd ahaayeen, qof sadexaadna isagoo dhaawac halis ah la geeyay cusbitaalka oo uu ku dhintay, wuxuuna sheegay in Lix qof, wali lagu dawaynayo Cusbitaalka.
Xildhibaan Cali Bare, ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacu kasoo gaadhay weerrarkaa, balse, wuxuu sheegay in dhaawaciisu yahay mid fudud, isagoo dhinaca kale xaqiijiyay in Askarta Ilaalada Raysal Wasaaraha ay ku dhinteen weerrarkaa. kadib markii firidhka madaafiicdu soo gaadhay xili uu ku sugnaa markii weerrarku dhacay Villa Somalia.
Al-Shabaab, ayaa sheegatay weerrarkaa oo sida ay sheegeen ay u adeegsadeen ilaa 9 hoobiye, kuwaas oo ay sheegeen inay ku bar tilmaameedsadeen xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347