Warbixin Saleebaan Kalshaale

“ waxa noogu daran Biyo iyo Raashin Dadku cunno” Maxamed Maxamuud
Deegaankaabaarta
Gabiley(ANN)Abaar aad u ba’an oo soof-ma reeba ah ayaa ka jirta deegaamo badan oo kamid ah Gobolka Gabiley ee Somaliland, taasoo sababtay baro-kac iyo caydh dadka xoolo dhaqata ah soo foodsaartay iyo xanuunno nugaylka ku asiibay dadka iyo Ishinka, dhulkaa ku dhaqan.

Abaartan oo ah mid guud ahaan ka taagnayd Gobollada galbeedka muddo dhowr sannadood ah, ayaa meelaha ugu daran ee aanay dadku gurmad iyo gargaar toona helin waxa kamida Deegaamo hoos-yimaada Gobolka Gabiley, kuwaasoo ay qaarkood dadku halis ku jiraan iminka,kaddib markii ay Xoolihii iyo xaabkii beeruhu is-goosteen sanadkan u dambeeyey, nolosha quutal-daruuriguna noqotay mid ku xidhan hadba wixii laga helo Magaallooyinka.

Deegaamada ugu liita xagga nolosha dad iyo duunyo, waxa kamida kuwa dhinaca Ooggada kaga beegan Magaalada Gabiley, waxa kale oo abaartu ka jirtaa deegaamo ku hareeraysan Degmada Arabsiyo, sida Deegaanka Gogol-wanaag, Boodhlay iyo Dooxa Huluuq, dhulkaasoo muddo laba gu’ ah aan roob ku filani helin, gudheena illihii biyuhu, dhulkuna Xaaluf noqday, sida uu sheegay Maxamed Maxamuud oo kamida Odayaasha Deegaanka Boodhley oo intaas ku daray “ waadigaa arka xaalkayagu siduu yahay, waxaana noogu daran Biyo iyo Raashin Dadku cunno” Maxamed Maxamuud

Dhinaca Gabiley, inkastoo guud ahaan xaaladda roob la’aantu jirtay sanadihii u dambeeyey gobolka oo dhan, wallow deegaamada qaar roobab yari ka da’een, haddana meelaha ay xaaladda qalafsani ka jirto waxa kamid ah; Deegaamada Ceel-la-helay, Lafta Boqor, iyo Mataan iyo degmooyin kale oo jiidaas ku teedsan.

Wariye Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka tirsan Telefishanka Somalinews iyo wakaalada wararka ee GNA oo booqday deegaamadaas,una kuur-galay duruufaha ka taagan, ayaa waxa ay dadka deegaamadaasi u sheegeen inaanay dawladdu wax gurmad ah soo gaadhsiinin intii ay abaarta lagu jiray, kana soo jawaabi waayeen maamulka Gobolka iyo degmaddu baaqyo isdaba joog ah oo ay u direen.

“…dawlad iyo Hay’ad toona maanu arag wax wax noo keena, dhulkana waadigaa arkaya sida uu yahay” sidaas waxa sheegay mid kamida Odayaasha Deegaanka Gogol-wanaag oo wariyaha u waramay. “haddii cid uun aad qaylo-dhaantayada gaadhsiinayso, waxa noogu darani waa biyo iyo Raashin” ayuu raaciyey.

Shabeele

Haydh-tuulaha deegaanka Ceel baxay (shabeele). Cabdi Axmed, ayaa sheegay inay dhibaatooyinka abaarta ka dhashay isbarkadeen. “Abaarta halkan ka jirtaa waxay maraysaa heer ah in noole dhaqaaq daayey, markii dadkii halkan ka guuray intay Itoobiya u talaabeen, markii ay soo noqdeen ay yimaadeen xeradoodii oo sidii abaar u ah”. “ iminka ayey xoolihii bilaabeen inay gaajo u dhintaan, markii xaabkii la iibinayeyna loo waayey” ayuu hadalkiisa ku daray Haydh-tuulaha deegaankan oo hilaadii 8KM u jira Magaalada Gabiley.

Cabdilahi Xuseen oo ah Oday 70 jir ah oo ku nool deegaankan, ayaa sheegay “70 sanno ayaan jiray. Wali abaartan oo kale namay soo marin, Dad iyo duunyoba way saameysay Illaahay ayuunbaanu raxmad ka sugaynaa, Dawladina waxba nooma keenin ee hareeraha ayuunbaa nalaga dhaafaa” ayuu yidhi. Xuseen oo ka dhawaajiyey in labaataneeyo SAC ku bakhtiyeen tuulaha todobaadkii hore.

Caaqil Cabdi Cumar oo kamid ah samo-taliska deegaankan, kaasoo sida uu sheegay Dacwad Medeni ahi kaga socota Magaalada Gabiley, wuxuu xaqiijiyey “afar sac oo aan lahaa, labaa siday u joogeen bakhtiyey, labadii kale ayaa iminka loo lisaa maqashii ay ka bakhtiyeen” ayuu cumar sheegay.

Lafta Boqor

Deegaanka Lafta Boqor oo 11KM dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalo-madaxda Gobolka Gabiley, ayaa isna kamid ah Dhulka ay abaartu jilbaha dhigatay. Deegaankan oo udub-dhexaad u ahaa wax soosaarka Beeraha Gobolka Gabiley, ayaa waxa ka taagan xaalad ka sii xun deegaamada kale ee Gobolka.

Waxa kale oo abaarta u dheer xanuunno ka dilaacay bilihii u dambeeyey oo dadka iyo Duunyada asiibay, sida uu sheegay Axmed Ciise Badde oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Boqor. “Deegaankani wax-soo-saarka Beeraha Gabiley marka la soo qaado waa meesha koowaad ee dalagu ka soo go’o, iyadoo ay sidaa tahay saddex sannadood abaar baa na haysata, maantana noogu ba’an” ayuu yidhi Badde, oo intaas ku daray “ labadii sanno ee hore xoolaha barigaasaa la geyn jiray, laakiinse sanadka meel loo dhaqaaqa ma jirto.” – “ waxa la yidhi abaari waxay ugu darantahay, markay gurigaaga kaa kaxayso ee ay haddana kugu soo celiso isagoo sidii u abaar ah”.

Axmed Ciise ayaa sidoo kale sheegay “labadii sannadood ee hore wixii aanu beeraha ka helaynay ayaa lagu sii noolaa dad iyo xoolo, laakiinse sanadkaa maantaa waanu isla ruqanay dad iyo xoolo. Bariis yar ninkii magaalada looga keeno ayaa iminka tuuladaa dhan laga karsadaa. Qaylo-dhaan badan waanu u dirnay Gobolka iyo Degmada, xataa halkanbay noogu yimaadeen Maayirka iyo Guddoomiyaha Gobolku oo way na waraysteen illaa haddana wax nooga yimi ma jiraan” ayuu hadalkiisa raaciyey. Mar uu dhinaca Caafimaadka ka waramayey wuxuu yidhi Badde “ Abaar markaad aragto xannuunbaa ku hoos jira, xanuunno kala duwan ayaa dadka iyo Xoolahaba ku dhacay,”. “xannuunnada waxa kamida Hargab Shuban leh oo dadka ku dhacay. Waxa kamida xannuun lo’da ku dhacay oo neefku siduu u joogo dhacayo, dabaddeedna uu bakhtiyayo”.

“dawlad iyo cid kale oo daawo iyo dabiib noola soo gurmatayna maanu arag, xataa dhakhtar ma lihin, adeegyo caafimaad oo kalena hadalkooda daa” ayuu sii yidhi Badde, isagoo dhinaca kale xusay in dad badani ka baro-kaceen deegaankiisa, “ dad badan ayaa meel ay u guureenba deegaankan ka hayaamay iyagoo guryahoodii dhisanyihiin, oo aan shay ka qaadan ee Xoolihii iyo dadkii uun dareeriyey”.

Xasan Cabdi Ibraahim waa Aabbe dhalay 8 carruur oo ay Hooyaddood nooshahay, waa Ganacsade tuuladan degenaa sida uu sheegay muddo 14 sannadood ah, isagoo waramayey Wariyaha oo meheradiisa kula kulmay wuxuu tilmaamay in Abbaarta deegaanka ka jirtaa tahay tii ugu horaysay ee soo marta deegaankan intii uu ku noolaa, waxaanu yidhi; “Meeshan abaar xunbaa ka jirta oo dad iyo duunyo saameysay..nolosha Bulshaddu waxay ku tiirsanayd Raashinka ka soo go’a Beeraha iyo munaafacaadka Xoolaha, laakiinse sanadka labadiiba ma jiraan, xoolihii Iib ma leh, Cad ma leh, caannana ma leh, Beerahana wax dalag ah kamuu soo go’in, kolkaa iminka waxay dadku ku nool yihiin uun wax yar yar oo meelahaas looga soo diro, ama magaallooyinka ay uga soo diraan ehelladoodu ciddii magaalada loo joogo.”

“Qoyska sanadkii hore nolol-maalmeedkiisu ahaa 10,000 SHLS, hadda wuxuu ku dukaamaystaa ama dakhligiisa maalinle ahi noqday 2000 illaa 1500SHLS, oo waxay iibsadaan xabad yar oo qasaac ah iyo inyar oo saliid ah..1 Kiillooga Sonkorta ah waxa la siiyaa 6000SHLS, 1KM Bariiska ahna 5000shls, waxaanay u badantahay inaanay qoysas badani iibsan Karin 1km bariis ah..”

Xasan wuxuu sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha Bulshadu saameeyey Ganacsigiisa “berigii hore maalintii waxaan iibin jiray 40km oo sonkor ah, iminka waxa maalintii dukaanka laga iibsadaa 5killo oo qudha, waxa meesha ka baxay 35Killoo…”.

Wuxuu intaas ku daray, isagoo ka waramaya qiimaha Caanaha iyo sida iminka loo helo, maadaama aanay xoollo deegaanka jirin. “Koobka Caanaha ahi markii hore wuxuu ahaan jiray3000shls, iminkana haddiiba la helo waxa la siiyaa 5000Shls, iyadoo aanay ahayn caanno deegaanka laga keenaye, waxa laga soo qaadaa dhinaca Ooggada…Dadka deegaanku xataa kuwa xoollaha haystaa Caano iyo Iib toona kama helaan..” ayuu yidhi.

Deegaamo kale oo abaartu saameysay

Waxa kale oo xaaladda abaartu saameysay deegaamada Mataan iyo Boodhlay, oo inkastoo iyaga raashin uga soo go’ay beeraha sanadka, haddana culays kaga yimi wacyiga bulshada ku hareeraysan oo ku soo guurtay, ay gabaabsi ka noqdeen calafka dadka iyo xooluhuba.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadkii hore badhtamihiisa balan-qaaday inay gurmad u fidinayso bulshada abaaruhu ku habsadeen ee Gobolka Gabiley, laakiinse sida muuqata illaa hadda waxa jira meello badan oo aan wax taakulo ahi gaadhin, siday doontaba haku dhacdee, waxaana xusid mudan in Guddoomiyaha Gobolka Gabiley inkastoo aanay noo suurto gelin inaan wax war ah ka helno dhiniciisa, haddana uu dhowr jeer ku cel-celiyey qaylo-dhaan uu gurmad ugu dalbayo Mujtamaca Gobolka.
Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa
Email: curad1986@hotmail.com