Araweelo News Network

French Foreign Minister Jean-Marc Ayrault addresses delegates at the opening of the Mideast peace conference in Paris, France, on January 15, 2017. (Photo by AFP)

French Foreign Minister Jean-Marc Ayrault addresses delegates at the opening of the Mideast peace conference in Paris, France, on January 15, 2017. (Photo by AFP)

Paris (ANN)- Shir ballaadhan oo in badan oo dawladaha caalamku ku yeesheen magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo ay kaga wadahadlayeen xaaladda u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, ayaa 72 dawladood ku saxeexeen qaraan hiil u ah shacabka Falastiin, isla markaama hadimo ku ah Yuhuudda.
Shirkan oo la soo gunnaanaday maalintii Axadda, ayaa laga soo saaray qaraar inta badan dawladihii ka qaybgalay saxeexeen oo dhigaya in Falastiin iyo Israa’iil noqdaan laba qaran oo kala madaxbannaan oo daris ah oo xuduudahoodu noqdaan kuwii yaalay intii ka horraysay sannadkii 1967-dii.
Bayaanka ka soo baxay shirkan oo ay ka qaybgaleen madax isugu jirta madaxweynayaal, wasiirro, safiirro iyo wakiillaba waxa saxeexay 72 dawladood oo ay ku jiraan inta badan dawladaha reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Maraykanku, marka laga reebo Ingiriiska oo aan saxeexin, balse isagu marka horeba shirka uga qaybgalayey qaab goob-joogenimo uun ah.

Haddaba, qaraarkan beesha caalamku isku raacday ee ay ku taageertay xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta, lagagana soo horjeestay cadaawadda iyo dhibaatada Yuhuuddu ku wado oo qoraalkiisa nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Jamhuuriya, waxa qodobada ugu mudan oo aannu Af-soomaali u turjunay u dhignaayeen;
1) Ka qaybgalayaasha shirka Paris ee kulmay 15 January 2017 waxay ku xaqiijiyeen in wadahadal lagu gaadho laba qaran oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin oo si nabadgalyo ah isugu barbar nool uu yahay sida keliya ee lagu gaadhi karo xal waara oo nabadeed.
 Waxay isku raaceen in wadahadalka labada qaran ee xalka noqonayaan ay ku yimaadaan sharciga iyo rabitaanka labada dhinac oo ay ka mid tahay; xaqa Falastiin ee inay noqoto dal madaxbannaan, in la soo afjaro dhulka Israa’iil haysato ee ka soo bilaabmay qabsashadii sannadkii 1967, iyadoo Israa’iil helaysa ammaankeeda, isla markaana la xalliyo xaaladaha lagula macaamilo dawladnimadeeda ee salka ku haya qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 1967.
 Qaraarku waxa uu tilmaamayaa in la xalliyo dhibaatada bani’aadanimo iyo ammaanka eek a taagan Marinka Qaza, iyadoo lagu baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo arrintan, waxaana lagu dhiirrigeliyey Israa’iil iyo Falastiiniyiinta muhiimada ay leedahay inay u hoggaansamaan qawaaniinta caalamiga ah.
 Waxa laga dalbaday labada dhinac inay ka go’naanto xal la gaadho iyo inay qaadaan tallaabooyi degdeg ah oo ay dib ugu saxaan xaaladda cakiran ee ka jirta dhulkooda xilligan.
2) Ka qaybgalayaasha shirku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo nabad, xallisooni iyo barwaaqo ay helaan labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiin si loo gaadho heshiis nabad ah oo buuxa, waxaanay soo bandhigeen siday diyaarka ugu yihiin inay qaybqaataan qorshayaasha lagama maarmaanka ah ee sababi kara in la gaadho laba qaran oo xal waara ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
 Iskaashi gaar ah oo dawladaha Yurub kala sameeyeen labada dhinac arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, xoojinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, in laga taageero dadaallo Israa’iil iyo Falastiin ay cilaaqaad dhaqaale ku yeeshaan iyo in taageero dhaqaale laga siiyo madaxda Falastiiniyiinta dhismaha kaabayaasha dhaqaale si uu u kobco dhaqaalaha shacabka Falastiiniyiintu.
 Taageerada iyo xoojinta tallaabooyinka Falastiiniyiintu ku samaynayaan gudashada waajibaadka dalnimo iyo qaranimo.
3) Qorshayaasha mustaqbalka; waxa ka qaybgalayaashu ugu baaqeen labada dhinac inay la yimaadaan rabitaan lagu helo laba qaran oo xal noqda, sidaasi darteedna ay ka horyimaadaan cid kastoo diidda qorshahan.
 Waxa loogu baaqay labada dhinac inay si madaxbannaan u muujiyaan ka go’aanshahooda hirgelinta xalka ah inay noqdaan laba qaran oo daris ah, iyagoo u maraya siyaasado iyo ficillo dhinaca wanaagsan loo qaaday, iskana ilaaliyaan wax kastoo carqaladaynaya nabadda lagu gaadho wadahadallo si buuxda u dhammaada oo ay ku jiraan waxa laga yeelayo magaalada Quddus (Jerusalem), xuduudaha, ammaanka, xaqoontiga iyo waxyaabaha aanay isla aqoonsanayn.
 Beesha caalamku waxay ballanqaaday inay la soconayso fulinta qaraarkan, waxaanna la tilmaamay arrimo loo baahan yahay in xalkooda la gaadho ka hor inta aannu dhammaan sannadkan cusub.
Haseyeeshee, ergooyin ka socday Israa’iil iyo Falastiin oo shirka dibadda ka joogay, balse loo ogolaaday inay dhegaystaan markii qaraarka la akhriyayey, ayaa ku qaabilay laba dareen oo kala duwan, waxaanna ganafka ku dhuftay bayaanka Israa’iil, halka Falastiiniyiintu si wayn u soo dhaweeyeen.