X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Booqday Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) Iyo Weedhihii Uu Kaga Dareen Celiyay Xaajigu Booqashada

Madaxweyne Siilaanyo oo gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdikariim

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa gurigiisa oo ku yaal Koonfurta Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) 17 Dec, 2015.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlay Booqashada Madaxweynaha iyo dareenkii Xaajigu ka celiyay, waxaana lagu yidhi sidan:-

“Madaxweynuhu waxa uu si naxariis leh xaajiga u dil istaagay isagoo u duceeyey allena uga baryey inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Balan qaaday in aanu mood iyo nool midna ka hagranayn, hadana ay u diyaar tahay in dhakhtar dibadeed loo qaado ugu yaraana ay laba dal hada u soo jareen tigidhadooda, Ethipia iyo Dubai si xaajiga loogu dedaalo loogana war hayo xaaladiisa caafimaad.

Xaajiga oo isna madaxweynaha hadal dardaarana siiyey, waxa uu madaxweynaha kula dardaarmay inuu halkaa ka sii waddo hawlaha qaranka, isaga oo xaajigu yidhi sda aad wax u wado waa si wacan ee sii kordhi oo ummadda dhexmar, oo ka war haynta badi madaxweyne waxad tahay hogaamiye si wacan u hagaaya ummadiise, ALLE na waxan kaaga baryayaa inuu kugu garab galo.

Madaxweyne Siilaanyo oo gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) 17 Dec, 2015.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in madaxweynuhu diyaar ula yahay xaalad kasta xaajiga xaafimaadkiisa lagu maarayn karo gudo iyo dibedba.”ayaa lagu yidhi qoraalkaa koobaan.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa Booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) ka hor intii aan galabta  loo qaadin dalka Ethiopia, halkaas oo xaalada caafimaad ee soo waajahday la doonayo in Dhakhtar loogu geeyo.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xaajiga ALLE uga baryey inuu caafimaadkiisi u soo celiyo xanuunka hayana ka dulqaado, insha allaa isaga oo caafimaad qabana uu dalka ku soo celiyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) 17 Dec, 201

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post