Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa gurigiisa oo ku yaal Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlay Booqashada Madaxweynaha iyo dareenkii Xaajigu ka celiyay, waxaana lagu yidhi sidan:-
“Madaxweynuhu waxa uu si naxariis leh xaajiga u dil istaagay isagoo u duceeyey allena uga baryey inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Balan qaaday in aanu mood iyo nool midna ka hagranayn, hadana ay u diyaar tahay in dhakhtar dibadeed loo qaado ugu yaraana ay laba dal hada u soo jareen tigidhadooda, Ethipia iyo Dubai si xaajiga loogu dedaalo loogana war hayo xaaladiisa caafimaad.
Xaajiga oo isna madaxweynaha hadal dardaarana siiyey, waxa uu madaxweynaha kula dardaarmay inuu halkaa ka sii waddo hawlaha qaranka, isaga oo xaajigu yidhi sda aad wax u wado waa si wacan ee sii kordhi oo ummadda dhexmar, oo ka war haynta badi madaxweyne waxad tahay hogaamiye si wacan u hagaaya ummadiise, ALLE na waxan kaaga baryayaa inuu kugu garab galo.
Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in madaxweynuhu diyaar ula yahay xaalad kasta xaajiga xaafimaadkiisa lagu maarayn karo gudo iyo dibedba.”ayaa lagu yidhi qoraalkaa koobaan.
Dhinaca kale Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa Booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) ka hor intii aan galabta loo qaadin dalka Ethiopia, halkaas oo xaalada caafimaad ee soo waajahday la doonayo in Dhakhtar loogu geeyo.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xaajiga ALLE uga baryey inuu caafimaadkiisi u soo celiyo xanuunka hayana ka dulqaado, insha allaa isaga oo caafimaad qabana uu dalka ku soo celiyo.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380