X

Somaliland Duufaankii Hafiyay Fadhiga Gollaha Rasaastii Booliska,Gacan Ka Hadalkii Iyo Goolaaftankii Madasha

Qaar ka mid ah Booliska galay gollaha wakiillada oo oo tacshiirado rasaas ah ridaya Image Araweelo News Network, 13 December 2021.

Araweelo News Network.

Hragyesa(ANN)-Xildhibaanada gollaha wakiillada Somaliland, ayaa saaka waajahay duufaan siyaasadeed, gacan ka hadal iyo goollaaftan hadheeyay fadhigii gollaha oo sababay in cutubyo ka tirsan ciidanka Boolisku guddaha u galaan. kaddibna rasaas u adeegsadaan.

Duufaanka siyaasadeed, ayaa saaxada xalay gil-gilay, kaddib markii xeerka furashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka oo Madaxweynaha Somaliland usoo gudbiyay gollaha fadhigii shalay lagu soo qaaday.

Hase yeeshee muddanayaasha gollaha wakiillada, ayaa mooshin la xidhiidha xeerka isla fadhigii gollaha ee shalay u gudbiyay shirguddoonka, iyadoo mooshinka ujeeddadiisu ahayd in xeerka sidaa lagu sii daayo oo aannay golluhu isku fur-furin dooddiiisa, balse mooshinka ayaa la laalay, iyadoo loo cuskaday sababo sharci oo waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka gollaha.

Arrintaa, ayaa mar keliya xalay ka istaadhmay saaxada siyaasada duufaano gil-gilay ra’ayal caamka bulshada, kaddib markii axsaabta mucaaradku si weyn xalay uga digeen xeerka gollaha la horgeeyay, waxayna xilli danbe oo habeenimadii ay warbaahinta la hadleen ku eeddeeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muuse Biixi inuu gollaha usoo gdbiyay xeer ku mudda dhaafay oo aan sharci ahayn.

Subaxnimadii hore waxa gollaha kasoo xaadiray ku dhowaad dhawr iyo lixdan xildhibaan oo ka mid ah 82-ka muddane, balse waxa madasha hadheeyay sawaxan iyo buuq, kaddib markii ay gacanta isula tageen laba Xildhibaan oo isku maandhaafay xeerka loo soo gudbiyay gollaha.

Cutubyo ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa guddaha u galay dhismaha Baarlamaanka, kuwaas oo abaaray dhinaca hoolka, iyagoo doonaya in xidhaan mid ka mid ah xildhibaanada gacanta isu qaaday, balse waxa si weyn uga horyimi arrintaa mudanayaasha, waxaana dhexmaray gacan ka hadal sii kiciyay xaaladda iyo tacshiirado rasaas ah, wallow aannay jirin wax ka dhaawac ah oo ka dhashay rasaasta.

Goor danbe, waxa xarunta Baarlamaanka soo gaadhay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Saqadhi Dubad, wuxuuna la kulmay shirguddoonka gollaha, waxaase arrintaa soo dhexgalay shirguddoonka gollaha guurtida oo ku guulaystay in ay labada xildhibaan ee dagaalku dhexmaray isu keenaan, isla markaana heshiisiiyaan.

Muuqaalka Xaaladda Dagaalka iyo sidii jawigu ahaa halkan ka Daawo.

https://youtu.be/V3d-0-vBJZ8

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post