X
    Categories: Warar

56 Sanadood Kadib Munaasibad Lagu Xusay Aasaaskii Ciidanki Cirka Ee Somalia

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Raysall Wasaare ku-Xigeenka Dalka Somalia ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Soomaaliya, munaasibadaas oo ay ka soo qayb-galeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan Hoggaanadda Ciidamada Qalabka sida.

Hadal uu Munaasibadaasi ka jeediyay Mudane Carteh wax uu ugu horayn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana kuwa Cirka iyo qoysaskooda oo uu ILAAHAY uga baryay in sanadkan kiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo nabadgalyo.

Raysal Wasaare ku Xigeenku waxa uu ka hadlay muhiimada ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sumcadii iyo sharaftii ay hore u lahaayeen, waxaanu dhamaan u mahad caliyay saraakiishii ka soo qayb-qaatay halgankii Ciidamada Cirka, si gaar ah waxa u xusay haweenaydii ugu horeysay ee duuliye ciidamadda cirka ka noqotay Dhame Asli Calan-side.

“Waxaan ka xumaha in xaruntii Wasaradda Gaashaandhigga iyo xaruntii Ciidamadda Cirka ay sidan u burbur-san yihiin, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo sanadka danbe ay sidan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkan waxyaabaha uu u burburay wax ka mid ahaa cadaalad xumo iyo siyaasad xumo waxana muhiim ah in ay inaga go’onaato inaanay taariikh xumadaasi mar danbe inagu soo laabaan”. ayuu yidhi Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte.

Ciidanka Cirka ayaa la aas-aasay 1960kii iyagoo ka soo qayb-qaatay halgankii iyo horu-markii uu Jamhuuriyadii laysku odhan jiray Somalia, waxaana si gaara loo xusi karaa kaalmadii ay ka gaysteen FATAHAADII dhacday 1962 iyo Abaartii daba-dheer ee 1974-kii. Balse dhawr iyo labaartankii sanadood ee Somalia burburtay ma jirin ciidan dhisan, xiligana Ciidanka Cirka ee Somalia ayaa ah mid magac ahaan oo keliya u jira.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post