X
    Categories: Warar

Guddida Qaban-qaabada 18 May Oo Fariin U Diray Bulshada

Hargeysa(ANN):- Guddida qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May, ayaa caawa baaq u diray guud ahaan bulshada reer Somaliland, waxana ay ugu baaqeen inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan isu soo baxyada maalinta berri ah loo ballansan yahay.


Sidaa waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ku saabsan shir jaraa’id oo ay caawa Hargeysa ku qabteen Xubnaha Guddigu, kaas oo ka soo baxay warbaahinta madaxtooyada, soona gaadhay Araweelo News News caawa, waxa uu u dhignaa sidatan:-

GUDDIGA QABANQAABADA 18 MAY 2019
GUDDIGA QABANQAABADA 18 MAY 2019

“Guddida oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaas, ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hareero joogaan xubnaha kale ee guddida oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay inay isku duubni iyo feejignaan ku xusaan maalinta qaran ee 18ka May oo maalinta berri ah ku beegan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha guddida guddidan, ayaa shacabka ugu baaqay inay cudud iyo farxad ku muujiyaan isu soo baxooda, kana dheeraadaan wax kasta oo ammaanka qaranka iyo nabadgelyadaba waxyeello ku keeni kara.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa bulshada ku adkeeyey inay tixgelin gaar ah siiyaan nabadgelyada, ciidamada ammaankana si dhaw ula shaqeeyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Berri waa 18ka May, Dhammaan dalka waa laga dabbaal-degayaa, shicibkana waxan leeyahay si fiican u dabbaaldega, isu soo bax wanaagsanna sameeya, nabadgelyada ilaaliya, ciidamada amniga nooc kasta oo ay yihiinna la shaqeeya, dadka nabadgelyo-darrada wada ee ka xun Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyadeeda iyo taabbo-galkeena halla iska jiro.”

Wasiirku waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay il gaar ah ku eegaan wax kasta oo halis gelin kara nabadda iyo amniga, wada-shaqaynna la sameeyaan ciidamada kala duwan ee qaranka oo maalintaas heegan culus geli doona.” sidaa ayaa lagu yidhi War Qoraal ah oo Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada naga soo gaadhay caawa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post