X
    Categories: Warar

‘15 Kun Kartoon oo Cuntooyin Nafaqaysan ah ayaannu ku Wareejinnay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland’

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Hay’addaha Qarammada Midoobay ee UNICEF iyo WFP, ayaa shaaciyey dadaallo ay kaga qaybgalayaan gurmadka abaarta Somaliland oo ay ku bixiyeen gargaar iyo mucaawanooyin kooban oo gaadhay dadka jilicsan.
Labadan hay’adood, ayaa sheegay inay gaadhsiiyeen cuntooyin iyo dawooyin lagu badbaadiyo nafaha dadka xaaladda abaartu ku sababtay gaajada iyo nafaqo-darrada, kuwaas oo ay xuseen inay u qaybiyeen gargaar isugu jira taageero cunto, dawooyin nafo-celin ah, adeegyo caafimaad iyo helista biyo nadiif ah.
“Bulshooyinkani waxay noolaayeen afar sannadood oo roobku aad ugu yaraa, awoodoodii ay iskaga difaaci lahayeen abaartuna way soo gabogabowday. Ujeeddada dadaalkayaguna waxa weeye oo loo baahan yahay in la badbaadiyo nafaha tobanaan kun oo carruur iyo qoysaskoodii, dib-u-dhac kastoo ku yimaada gargaarka beesha caalamkuna waxay khatar sii galinaysaa gaajada iyo xannuunada.” Sidaa waxa yidhi wakiilka UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya Steve Lauwerier.
Masuulkani waxa kaloo uu sheegay in gurmadka hay’adooda oo ku jihaysan deegaamo ka tirsan Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay hawlgaliyeen kooxo caafimaad ah oo wareega oo gaadha dadka nafaqo-darradu ku dhacday ee reer Miyiga ah, gaar ahaan carruurta oo shaqadoodu ku jihaysan tahay. Sidoo kalena, ay bixiyeen biyo nadiif ah oo la gaadhsiiyo 50,000 guri oo meelaha abaartu saamaysay ah, isla markaana ay dib u hawlgaliyeen toddoba ceel biyood.
Sidoo kale, agaasimaha WFP ee Somaliland iyo Soomaaliya Laurent Bukera, ayaa ku cannaantay beesha caalamka inay ka gaabisay gurmadka abaarta, waxaannu yidhi, “Dadka Soomaalidu si fiican bay u yaqaanaan khatarta abaarta, laakiin abaarta uma naqaano masiibo, haddii dunidu u aqoonsato sidaa waynu badbaadin lahayn nafaha xilliga ku habboon, waanaynu yarayn lahayn khatarta nafaqo-darro ee hooyooyinka iyo carruurta ka intaanay noqon cawaaqib-xumo daba dheeraata.”
Waxa kaloo uu xusay in taageeradooda oo isugu jira cunto iyo dawooyin caafimaad ay dawladda Somaliland ku wareejiyeen cunto nafaqaysan, “15 kun oo kartoon oo cuntooyin nafaqaysan ah ayaannu ku wareejinay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,” ayey tidhi hay’adda WFP.
Ugu dambayntii, Qarammada Midoobay, ayaa sheegtay inay dalbatay lacag dhan $105 milyan oo wax lagaga qabto saamaynta ka dhalatay abaaraha degaannada Somaliland iyo Maamulka Puntland oo dad tiradoodu dhan tahay 1.7 milyan u badan xoolo-dhaqato ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post