X
    Categories: Warar

Muqdisho: Xeer Ilaaliye Ku Xigeenkii Ciidanka Dawlada Oo La Weerraray

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN) Dablay hubeysan ayaa maanta barqadii magaalada Muqdisho ku dhaawacay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Fedraalka.

sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya magaalada Mogadishu, Weerarkan oo ka dhacay Xaafadda Wardhiigley ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaawacay Cabdullaahi Xuseen oo ku magac dheer Mayoonge, iyadoo sidoo kale weerarkaas uu ku dhintay darawalkii Xeer ilaaliyaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay gaadhi nooca raaxada ah ay rasaas oodda uga qaadeen gaadhiga uu la socday Mas’uulkaas ka tirsanaa Dowladda Fedraalka, waxayna durbadiiba ka baxsadeen goobta dablayda weerrarka fulisay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda fedraalka ayaa muddo kadib goobta soo gaadhay, waxayna goobta ka qaadeen dhaawaca Xeer ilaaliyaha iyo Meydka darawalkiisa, mana jirto cid ay usoo qabteen weerarkaa iyo cid sheegatay.

Weerrarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho la daalaa dhacay qaraxyo iyo weerraro qorshaysan oo saacad walba ka dhaca, kuwaas oo lala beegsado saraakiisha Dawlada taagta daran ee Somalia, ciidamada AMISOM iyo sraakiisha hay’addaha caalamiga ah ee ka hawlgala muqdisho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post