X
    Categories: Warar

11 Chanel Oo Ka Mid Ah Kuwa Ugu Waawayn Warbaahinta Faransiiska Oo Kooxda Daacish Qabsadeen Kadibna Fariimo Hanjabaad Ah Ku Baahiyeen


Paris(ANN)Madaxa Warbaahinta Faransiiska ayaa Wakaalada Wararka ee AFP u xaqiijiyay in koox taabacsan ISIS, ay u dhaceen website-yada Telefeshinada Faransiiska, isla markaana ku qoreen hanjbaad ka dhan ah Xukuumadda Faransiiska “Waxaad ku lug lahaateen dagaalka ka dhanka ah khilaafada Islaamka ogaada in Mujaahidiintu meel walba idinku beegsan doonaan”ayaa lagu yidhi qoraalka ay kooxahaasi ku baahiyeen baraha internetka oo ay jabsadeen.

Sidoo kale Shirkadda warbaahinta qaranka Faransiiska ayaa sheegtay in kooxaha cilmiga Electronic-ga ku takhasusay ay xalay saqdii dhexe muddo saacada ah qabsadeen shabakadaha ugu muhiimsan ee telefeshinnada Faransiiska, kuwaas 11 Chanel la wareegay. Kadib markii ay dhinaca Internetka ka weerareen.

.
Agaasimaha Telefeshinka “PV5 Mounda” ayaa sidoo kale xaqiijiyay in shabakaddiisu ay muddo saacada ah gacanta ugu jirtay “Jihad Electronic” balse saacado kadib ayay caadi kusoo laabteen adeegyada warbaahinta Faransiiska.

Kooxaha islaamiga ayaa baaq ujeediyay saraakiisha melleteriga Faransiiska oo ay ku eedeeyeen in ay ku jiraan dagaal ka dhan ah muslimiinta, waxayna kula taliyeen in ay ka waantoobeen colaadinta ka dhanka ah mujaahidiinta “Eheladiina badbaadiya oo ka joogsada dabka uu idinku shidayo Franso Hollande” ayaa ka mid ahayd weedhaha lagu qoray boggaga dhinaca Internetka warbaahinta Faransiiska ee kooxda ISIS qabsadeen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post