X
    Categories: Warar

100 Shirkadood Oo Ah Kuwa Ugu Waaweyn Maraykanka Oo Dacwad Ka Gudbiyay Go’aanka Madaxweyne Trump

Araweelo News Network

Washington(ANN)- Ku dhowaad 100 Company oo u badan kuwa ugu waaweyn Teknoolojiyadda ee dalka Maraykanka, ayaa saxeexay dacwad la geeyay Maxkamad racfaan oo ku taalla San Francisco, taas oo lagaga soo horjeedo go’aankii Madaxweyne Trump ku mamnuucay inay dalka Maraykanka galaan dadka u dhashay Toddoba dal oo Muslin ah.
Shirkadaha dacawadda gudbiyay oo ay ka mid yihiin kuwa ugu caansan dunida ee Apple, Google, Microsoft, Facebook, Netflix, Twitter, eBay iyo Uber, Waxay ku doodayaan in xayiraadaasi ay dhaawac adag gaadhsiisay ganacsiga Mareykanka iyo dhaqaallaha Dalka.

Qoraalka Dacwadda, ayaa lagu sheegay in xayiraadahaasi oo hadda la hakiyay ay ka dhigtay mid adag in shirkadaha Mareykanku ay dibadda ka helaan shaqaalaha ay u baahan yihiin. Waxa ay sheegeen inay taasi ku dhiiragelisay inay ka fikiriaan sidii ay dibeddaha uga furan lahaayeen xafiisyo.

Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu sheegay in kala badh shanta boqol ee shirkadood ee ugu caansan Mareykanka ay la kumeen dad muhaajiriin ahaa iyo caruurtooda. Sidaa awgeed aanay marnaba aqbalayn xayiraada la saaray dadka u dhashay Toddoba dal oo Muslin ah.

Waxa kale oo qorshahan shirkaddaha diidan ka mid ah, Lyft, Pinterest, Yelp, Square, Reddit, Dropbox iyo Medium, kuwaas oo dhamaantood ku gacansaydhay qorshaha Madaxweyne Trump.
Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo aanu shaqayn go’aankii Madaxweyne Trump. Kaddib markii Jimcihii lasoo dhaafay Xaakin lagu magcaabo James Robart oo garsoore ka ah Seattle, Washington ku tilaamay go’aankaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo aan lagu dhaqmayn.
Basle Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay Garsoorahaa inuu khatarta ka timaada arrintaa ee dhinaca amniga dusha u ridan doono, isagoo ku dooday Madaxweyne Trump in Maxkamadduhu ay shaqada ka dhigayaan “mid adag” oo iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii ay dhibaato dhacdo, isla markaana sharciga la horgayn doono Xaakimkaa James Robart.

Sabtidii Toddobaadkan ayay Maxkamadda Racfaanka Faderaalka ku gacan seydhay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Balse amarkii Madaxweyne Trump ee la geliyay hakadka, ayaa fursad siiyay in dadka sita dal ku galka ee kasoo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo., waxaana la filayaa in malinti Isniinta ay Aqalka Cad iyo iyo Labada Gobol ee ku gacansaydhay qaraarkaa si ay usoo gudbiyaan doodahooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post