X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Safiirka Kiiniya Iyo Soomaaliya U Qaabilsan Finland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi oo qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Safiirka Finland Ambassador Erik Lundberg. 6 February 2019, Araweelo News Network.

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalalka Somaliland, Kiiniya iyo Soomaaliya u qaabilsan dalka Finland Ambassador Erik Lundberg.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka dalalka Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya u qaabilsan waddanka Finland, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Finland Somaliland uga caawin lahayd horumarinta waxbarashada iyo iskaashiga dhinaca maal-gashiga.

Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey dawladda Finland mashruuca toban jirsaday ee MIDAFINNSOM oo ay dawladda Finland kala shaqayso wasaaradda  horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu safiirka  ku bogaadiyey  booqashada uu ku yimi dalka, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa.

Waxa madaxweynaha kulankaas ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post