X
    Categories: Warar

 Wasiirka Waxbarashadda Oo Shahaado-sharaf Ku Maamuusay Abwaan Faarax Murtiile Oo Sameeyey Hees Xuruufta Af-soomaaligu Ku Dhantahay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Waxbashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa shahaado-sharaf ku maamusay Abwaan Faarax Murtiile oo allifay hees ay ku dhan yihiin xuruufta Afsoomaaliga, taas oo lagu daray manhajka waxbarashadda Somaliland.

Heestan oo magaceedu yahay “BIGIL” waxay ka hadlaysaa xuruufta Afka Soomaaliga, isla markaana waxay  u sahlaysa carruurta yaryar inay si dhib yar u baran karaan 21-ka shibbane iyo shanta shaqal ee xuruufta Afka Soomaaliga, iyadoo Wasiir Habbane ku dhawaaqay inay heestaas ku darayaan Manhajka Waxbarashadda Somaliland.

“Abwaan Faarax Murtiile waa shaqsi mudan in la yidhaahdo mahadsanid, waayo waxa uu guud ahaan Waxbarashadda ummadda reer Somaliland ugu deeqay suugaan qayb laxaad leh ka qaadan doonta wacyi-galinta iyo kor-u-qaadka waxbarashadda dalka, waxaan leeyahay Abwaanka taariikhda ayaa ku xusi doonta, dhinaca suuggaantana waxaan ka ballanqaadayaa in aan soo noolayn doono oo aan u adeegsanno abaabulka iyo wacyigelinta waxbarashadda,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi-dheere oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xidhitaanka shir lagu falanqeeyey siyaasadda waxbarashadda Somaliland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Hargeysa.

Abwaan Murtiile ayaa isna dhinaciisa ka dareen-celiyay shahaado sharafta lagu maamusay, waxaannu yidhi; “Waxa ii farxad ah in Wasaaradda Waxbashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland igu maamuustay shahaado-sharaf qiimo weyn iigu fadhida.

Ujeeddada ka dambeysay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane uu i guddoonsiiyo shahaado-sharafta ayaa ahayd, kadib markii heesta la yidhaahdo ‘BIGIL’ oo ka hadlaysa xuruufta Afka Soomaaliga haddii ay tahay shibbanayaal iyo shaqallaba oo cod iyo laxan-ba la raaciyay, isla markaana aan ugu talogalay carruurta yaryar, gaar ahaan kuwa qurbaha jooga inay ku bartaan afkooda hooyo ee Afsoomaaliga si ay wax ugu qori karaan, waxna ugu akhriyi karaan.”

Waxa kaloo uu abwaanku “Waxaan ku faraxsanay in heestii aan u sammeeyey carruurta yaryar ee qurbaha ku nool ay Wasaaradda Waxbashadda Somaliland ku dartay manhajka waxbarashada Somaliland. Waxaan u mahad-celinayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Md. Yuusuf Cismaan Garas oo xil weyn iska saaray sidii heestani ‘BIGIL’ qiimaheeda loo muujin lahaa, loona maamusi lahaa abwaankii curiyay, taasina waxay i gelisay inaan sii laba jibaari doono dedaalkii hore ee aan waday ee ahaa tayeynta iyo kobcinta afka Soomaaliga, waxaanan soo bandhigi doona kalan-dhar (Calender) Afsoomaali ah oo laga baran doono 12-ka bilood ee Soomaalidu leedahay iyo afarta xilli, kaas oo aan u bixiyay gu’dhowr oo dhawaan la soo bandhigi doono.”

“Taas oo ujeeddada aan u curiyay ay ahayd  dhaqan dumay aqoon duugantoo dabo ka qiiqayso, oo dabar go’aysaan lahaa daaha yay rogane, da’da soo kacaysaan lahaa yay ka doorsamine, dirirkiyo laxihii baan lahaa, ha isla doonteen, dayaxana ha eegtaan lahaa, Dawga uu mara’e, gu’ daroorray doogo baxay darita oo hoortay, xagaaga oo dabeylaha watoo kiciyay duufaano, dayr curatay, jilaal dudaday, daydo iman weyday intaas oo is daadihineysa oo midiba door joogo, oo uu dadkeennii lahaa dega ee guurayay, oo aan digtoorkuna aqoon, duuliyaha maanta, oo doogsin carartaan rabaa inaan dabbaalo,” ayuu yidhi abwaan Faarax Murtiile oo u warramay tifaftiraha shabakadda wararka ee Hayaannews Mr. Mustafe Cabdi  Maxamed (Mustafe-jannaale).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post