Araweelo News Network.
* Xukuumadda Farmaajo Oo Gashay Suryo Ooddan,, Ma Waxay Naawilaysaa Muddo Kordhin ?
* Baarlamaanka Hortiisa wuxuu kala kulmay sawaxan iyo buuq intii ku jiray Khudbad Calaacal Xanbaarsan Iyo Guuldarada Siyaasadeed Ee Heshiis Xukuumaddiisu La Gaadho Maamul Gobolleedyada.
By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaliya, Maxamed Cadullaahi Farmaajo, ayaa khudbad uu gollaha shacabka ka jeediyay maanta kaga hadlay guul-daradii natiijada shirkii Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay shir dhawr maalmood uga socday madaxda dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la doonayay in lagu soo afjaro khilaafka , ayuu gollaha hirtiisa ka sheegay inuu ku dhammaaday, iyadoo aan waxba lagaga heshiin arrimihii la doonayay in xal lagaga gaadho.
“Arrimaha doorashooyinka, waxaa xeer ah oo sharci ah in Afartii sannadoodba doorasho ay dhacdo xaq iyo xallaal ah. Annigoo og in masuuliyada lay dhiibay ay ahayd dalka innaan ka gudbiyo doorashooyinkii dadbanaa ee lasoo maray 2016. Markii lay doortay 2017, waxaan bilaabay sidii dalka loogu gudbin lahaa doorasho hal qof iyo hal cod (One person One Vote).” ayuu yidhi. Farmaajo.
Wuxuu sheegay arrintaasi tahay mabaa’dii aasaasi ah, isla markaana ay tahay arrin dastuuri ah in awoodda ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. si ay qayb uga noqdaan go’aanka ay gaadhay dhawladdu iyo in siyaasadu ay noqoto mid daah-furan oo ay dadku ka qaybqaadan karaa, sidaa awgeed wuxuu sheegay in ay magcaabeen guddida wada xaajoodka dawladdaha xubnaha ka ah federaalka iyo dawladda dhexe si ay u sameeyaan midaynta khayraadka dalka iyo inay ka shaqeeyaan arrimaha doorashada oo ay soo diyaariyaan shuruucda doorashada.
Hase yeeshee madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay inkatsa oo ay wada saxeexeen arrimahaa doorashada dawladda xubnaha ka ah Federaalka iyo dawladda dhexe, isla markaana ay ansixiyeen gollaha sharci dejinta, wllaw aannay ahayn sida uu sheegay doorashadii ay rabeen, balse waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay guddidii ay magcaabeen Baarlamaanku oo la yimi dhibaato, isagoo ydhi, “Nasiibadaro, guddida Baarlamaanku magcaabay waan oggaa inuu dhib la iman karo, laakiin waan idiin tanaasulay, waan diidi karayay oo codka qayaxan ee (Veto power), ayaan adeegsan karayay, waana idin ku soo celin karayay, laakiin waan idiin tanaasulay.” ayuu yidhi, Madaxweyne Farnaajo oo ka hadlayay marxaladihii ay soo martay doorashada ugu danbayntii lasyla qaatay ee welli qabyada ah oo aan heshiis lagu ahayn.
Madaxweyne Farmaajo, isagoo ka hadlayay khilaafka ka taagan arrimaha doorashada, wuxuu sheegay in mar walba maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay diideen arrimaha doorashada, isla markaana uu marar badan la xidhiidhay si uu ugu qanciyo arrimahaa, isagoo yidhi, “Puntland iyo Jubbaland oo yidhi, “Waqtigeedii maaha doorashada noocan oo kale ah,” waxaan la hadlaynay muddo si aan u qancino waxaan ku casuumay Magaalada Muqdushi, waana ku guulaysan weynay oo labadaa maamul waa diideen, waxaana mar kale sameeyay tanaasul kale, markay iga diideen innay halkan Muqdisho yimaadaan, waxaana aqbalay markay igu casuumeen shirkoodii Dhuusamareeb shirkii saddexaad nasiibdaro Puntland iyo Jubbaland may iman .”
Wuxuu sheegay heshiiskii ugu danbeeyay in aannu waxba ku darsan ee ay keeneen sidaana ay ku aqbaleen xukuumad ahaan, iyadoo ay muuqato in aannay suurta gal ahayn in doorashada xisbiyo lagu qabto, isagoo ku dooday in uu tanaasulay markii shanaad oo laga diiday labadii qodob ee uu doonayay in lagu daro wixii ay soo sameeyeen maamulada Puntland iyo Jubbaland.
“heshiiskaa waxa qortay Siciid Cabdullaahi Deni, inta kale way daawanayeen, waxayna codsadeen in baarlamaanka loo geeyo oo aannay waxba kasoo noqonayn, yaa maamulaya Somaliland, goobaha doorashooyinka iyo guddida sidaa ayay ku doodeen, waxayna ku dhammaeeyeen waxaad ku naragteen, sidaa awgeed hisheeskii September 2017, ee ay qorteen oo aad u ansixiseen haddana nasiibdaro way diideen, waxaana diiday Puntland iyo Jubbaland.” ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo oo baarlamaanka u sharaxaya siyaasada ay la ciyaareen maamul gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland.
“Mar kale, waxaan u diray ra’iisal wasaaraha wuxuuna la kulmay Siciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe oo tobban maalmood uu la joogay, wayna diideen inay soo diraan magacyada guddida, waxan mar kale u diray Axmed Qoor-qoor, wixii ay soo gudbiyeena waan ka aqbalay, waxaana xaqiiqdii idiin sheegayaa in arrimaha doorashada iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya in faragelin ay ku jirto, waxaan filaayay kulankii u danbeeyay ee Dhuusamareeb oo ahaa kii Afraad in wax laysla soo dhowayn karo haddii halkaa laysugu tago, waxaase nasiibdaro ah in aannay suurtagelin oo warbixintaba ay iga soo horraysay.” ayuu yidhi, Madaxwyne Farmaajo oo baarlamaanka hortiisa mararka qaar sawaxan iyo qaylo lagu qaabilayay intii uu ka hadlayay arrimahaa. wuxuuna ka qiray xildhibaanada hortooda fashilka ku yimi shirkii la doonayay in xal lagaga gaadho khilaafka doorashooyinka ee ay maalmihii u danbeeyay ku lahaayeen magaalada Dhuusamareeb dawladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada Soomaaliya ee xubnaha ka ah dawladda Federaalka.
Balse Madaxweyne Farmaajo meesha kama saarin in kulamo kale laysugu yimaado wallaw aannay jirin fursad muuqata oo xal lagaga gaadhi karo arrimaha sida weyn ay isugu khilaagsan yihiin xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo maamul gobolleedyada ay mayalka u hayaan Jubbaland iyo Puntland, waxayna warbixinta natiijo la’aanta ee Madaxweynuhu ka jeediyay fadhiga baarlamaanka maanta oo ay taariikhdu tahay 6 February 2021, ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay gabaabsi tahay mudda xilleedkiisa dastuuriga ah, taas oo ku eeg 8-da bisha February, oo ku beegan maalinta Isniinta ah, isla markaana ma jiraan astaamo iyo ishaarooyin muujinaya xataa haddii ay dhacaan kulamo kale oo dhexmara saacadaha soo socda ee ka hadhay mudadaa hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada in xal lagaga gaadhi karo arrimaha kulamada faraha baddan ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo xukuumaddiisa gabaabsiga ah iyo maamul gobolleedyadu ay heshiis kaga gaadhi karaan murranka siyaasadeed ee sii murgiyay xaaladda.
Dhinaca kale, waxa jira tibaaxo ishaaraya in Madaxweyne Farmaajo raja ka qabo in mudada loo kordhiyo, iyadoo ra’iisal wasaare ku xiggeenka Mahdi Guuleed oo mar uu shirkan kii ka horeeyay ee Dhuusamareeb ka hadlayay munaasibad xaflad ah sheegay in aannay dhacayn in meel bannaan xukuumaddu ku dhacdo, isla markaana xukuumadda ay bedelayso xukuumad doorasho ku timi, sidoo kale gollayaasha ay bedelayaan kuwo ku yimi doorasho oo fadhiyayaan inta laga helayo ciddii bedeli lahayd.
Arrintaa waxa loo fasiray in xukuumadda Federaalka oo gashay suyo siyaasadeed oo cidhiidhi ah qorshaynayso in iyadoo laga dheeganayo qodob ay Somaliland ku darsatay dastuurkeeda markii ay kasoo hayaantay nidaam beelleedka ku dhiwaad labaatan sanandood ka hor, isla markaana ay adeegsatay marar badan, iyadoo u guurtay nidaamka xisbiyada iyo doorashooyinka marka gollayaasha dawliga ah iyo xukuumadda mudadoodu dhamaato, inta laga baxayo xaaladda.
READ: #Somaliland Only Good For Reprimand in Swan’s UN Report, Full Optimism for Somalia Elections
Balse dastuurka Soomaaliya ee Federalka laguma sheegin qodob sidaa u qeexaya nidaamka kala guurka iyo haddii ay timaado xaaladdan oo kale oo qaabka looga badbaadi karo khilaaf siyaasadeed oo xal u noqon kara ugu yaraan khilaafka siyaasadeed ee cakiran, wallaw Soomaliya annay ka faa’idaysan khibrada nidaamka geedi-socodka dumuqraadiyada iyo is waafajinta dhaqanka bulshada, waxaana sidoo kale ka digay oo soo hadal qaaday in mudada loo kordhiyo xukuumadda gollaha midnimada murrashaxiinta ee mucaaradka ugu weyn ku ah xukuumadda marka Federaalka marka laga yimado maamul gobolleedyada, iyadoo labada golle hore u ansixiyeen xeer dhigaya in labada golle xilka sii haynayaan ilaa laga helayo gollayaal bedela oo lasoo doorto, taas oo si dadban u muujinay in xeerkaa loo adeegsan karo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Farmaajo ee u muuqata xilligan mid albaabadu kasooo xidhmeen.
AKHRI: Madaxweyne Biixi Oo Xeer Kasoo Saaray Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland
Adeegsiga qodobkan ay Somaliland isku waafajisay dhaqanka iyo dumuqraadiyada , aaya hadda noqday mid ay dunida kusoo kordhisay oo dhowaan adeegsadeen dalka Ethiopia oo duruufaha ka jiray ee lagu sababeeyay xannuunka COVID, 19 ee saamaynta ku yeeshay dunida, sidaana dawladdaFederaalka aha loogu kordhiyay mudada, wlallaw khilaafka ka dhahay arrintaa ee deegaanka maamul goboleedka Tigray oo iyagu diiday, isla markaana qabsaday doorashooyinka ay la kulmeen ciqaabta duulaanka iyo gulufka collaadeed ee weli ka taagan halkaa.
By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Email: Jaamac132@gmail.com