X

Xog lagu Ogaaday in Nin Madow Ikhtiraacay Moobaylka iyo Sababta Magaciisa loo Qariyey

Araweelo News Network

Eng. Marty Cooper

Xog cusub oo la soo bandhigay dhowaan, ayaa lagu ogaaday in nin injineer ah oo la yidhaa Marty Cooper, asal ahaanna ka soo jeeda qaaradda Afrika uu yahay shaqsigii u horreeyey ee ku hadlay telefoon ay soo saartay shirkadda Motorola markii taariikhdu ahayd 3 April, 1973-kii.
Sida lagu daabacay mareegta Verge toddobaadkan, Eng. Marty Cooper ayaa ka yaabiyey dadka, kadib markii uu telefoonka gacanta ee uu ikhtiraacay kala hadlay nin la yidhaa Joel Engel oo ahaa madaxa xarun cilmi-baadhiseed oo lagu magacaabo Bell Lab.
“Joel waa Marty. Waxa aan kaala hadlayaa telefoonka gacanta. Moobayl dhab ah baan kaala hadlayaa,” ayaa ka mid ah hadalladii uu Cooper ka lahaa telefoonka shirkaddiisu samaysay oo noociisu ahaa Motorola DynaTAC 8000x, kaasoo culayskiisuna ahaa 2.5 bawn (Pound).
Warbaahinta caalamku waxa ay qarisaa in Dr. Henry T. Sampson la’aantii aan telefoon gacanta caalamku haysteen, waxaanay meesha ka saaraan in ninkan Afrikaanka ah uu uga horreeyey ikhtiraacida, taasoo sabab looga dhigay midabkiisa madaw ah dartii oo aan la doonayn inuu taariikhda galo.
Sida la ogyahay telefoonnada gacanta waxa soo saara shirkado ballaayiin dollar ku fadhiya, kuwaasoo malaayiin dad ah guryahooda ku isticmaalaan, kuna wada xidhiidhaan, isla markaana faa’iidooyin kala duwan u leh dadka waqtigan ku nool caalamka oo dhan.
Haddii uu ninkan ahaan lahaa nin caddaan ah waxa hubaal ah inuu la mid noqon lahaa ragga dunida ugu hantida badan ee ay waqtigan ka mid yihiin Bill Gate iyo Steve jobs, kuwaasoo markasta lagu daabaco wargeyska amma magasiinka Forbes.
Dr. Henry T. Sampson waxa uu telefoonka noociisu yahay “Gamma-Electric Cell” ikhtiraacay markii taariikhdu ahayd 6 July 1971, taasoo lagu isticmaali karo oo kaliya danab dhaliye nukliyeer (Nuclear Reactor), waxaannu Dr. Sampson sheegay I Gamma Electric Cell uu asal ahaan soo saaray 6 July 1971, lambarkeeda caalamka uga diwaangashana uu ka dhigan yahay 3,591,860, taasoo soo saarta danab xasiloon oo aad u badan (Stable high-voltage), waqtigana waxa lagu baadhaa shucaaca (radiation) suntan nukliyeerka ee dhulka.
Shirkad isgaadhsiinta telefoonnada ah ayaa tallaabo hor leh qaaday sannadkii 1983-kii, kadib markii ay ka faa’iidaysatay ikhtiraacida unugyada danab gudbiyayaasha ah (Cellular System) oo ay u beddeshay telefoon gacanta ah, kaasoo isticmaalaya hirarka radyawga, isla markaana ay soo galayaan signalada codadka ah. Ka hor waqtigan waxa telefoonnadu ku rakibnaayeen baabuurta dalka Maraykanka, aadna way u xadidnaayeen inta ay gaadhi kartaa, inta badana dawladda ayaa isticmaali jirtay si ay xogta isugu gudbiyaan.
Laakiin, warbaahinta caalamku waxa ay meesha ka saartay in Dr. Sampson uu ahaa ninka Afrikaanka ah ee soo saaray telefoonka, haddii aannu ikhtiraacidaas samayn lahayna aannu caalamka hadda wada xidhidheen.
Waxa uu Dr. Henry ku dhashay degaanka Jackson oo ka tirsan Gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka, waxaannu cilmiga sayniska shahaadada koowaad kaga qaatay Jaamacadda Purdue University sannadkii 1956-kii. Waxa kaloo uu wax ka dhigtay Jaamacadda University of California, Los Angeles, halkaas oo uu injineerinka ka dhigtay 1961-kii. Sidoo kale waxa uu wax ka dhigtay 1965-kii, Jaamacadda Illinois Urbana-Champaign oo uu ka dhigtay injineernimo diyaarinta nukliyeerka ah, aakhirkii waxa uu qaatay shahaadada PHD sannadkii 1967kii.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/