X

Warbixin Iftiimisay Dalalka Dhinaca Ikhtiraaca Ugu Horreeya Afrika iyo Kaalmaha ay Kaga Jiraan Qiimaynta Caalamka

Araweelo News Network

Dalalka Afrika kama mid aha 25 dal ee ugu ikhtiraaca (Invention) badan caalamka, laakiin dalal badan oo ku yaal Afrika, dakhligooduna aad u hooseeyo ayaa ku dhiiraday in ay sameeyaan ikhtiraac u gaar ah iyo hal-abuur ay ka gaadheen guul.
Warbixin ay si wada jir ah u daabaceen Jaamacadda Cornel University, Ururka Hanti Maskaxeedka Adduunka (World Intellectual Property Organization), A.T. Kenerny iyo hay’adda Global Innovation Index, ayaa daboolka ka qaaday dalalka adduunka ugu ikhtiraaca badan oo 141 dal ah, iyadoo dibadda u soo saartay waxyaabaha ay ku liitaan iyo waxyaabaha ay ku wanaagsan yihiin.
Waxa cilmi-baadhistan baaxadda weyn looga cabbir qaatay waxyaabo ay ka mid yihiin hay’adaha, dhaqaalaha bani’aadamka, kaabayaasha dhaqaale, suuqyada, ganacsiga, tacliinta, tignoolajiyada, wax-soo-saarka dalka iyo hal-abuurnimada.
Haddaba, 13-ka dal ee ugu hal-abuurka wanaagsan Afrika oo warbixintan dibadda u soo saartay waxa ay kala yihiin.
1. Mauritius oo kaalinta 49 kaga jirta 141 dal ee ugu horreeya ikhtiraaca caalamka
2. Koonfur Afrika oo kaalinta 60aad 141 dal ee ugu ikhtraaca badan kaga jirta
3. Seychelles oo kaalinta 65aad kaga jirta dalalka ugu horreeya
4. Senegal oo kaalinta 84 caalamka kaga jirta
5. Botswana oo kaalinta 90aad caalamka kaga jirta
6. Kentya oo kaalinta 92aad kaga jirta 141 dal ee ugu horreeya ikhtiraaca
7. Rwanda oo kaalinta 94aad kaga jirta caalamka
8. Mozambique oo kaalinta 95aad ku jirta
9. Malawi oo kaalinta 98aad ku jirta
10. Burkina Faso oo kaalinta 102 ku jirta
11. Cabo Verde oo kaalinta 103 caalamka kaga jirta
12. Mali oo kaalinta 105 adduunka kaga jirta
13. DNamibia oo kaalinta 107 kaga jirta 141 dal ee adduunka xagga ikhtiraaca ugu horreeya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post