X

Telefoonka Nokia 3310 oo Muddo 17 ah Kadib Suuqyada Caalamka Dib ugu soo Noqonaya

Araweelo News Network

Nokia 3310


Toddoba iyo toban (17) sannadood kadib markii si rasmiya loo soo saaray waxa suuqyada caalamka dib ugu soo noqday mid ka mid ah moobilladii ugu adkaysiga badnaa ee waligii la sameeyo oo ah Nookiya 3310 (Nokia 3310).
Telefoonkan gacanta waxa dib loogu soo bandhigi doonaa shirka caalamiga ah bandhigga moobillada (Mobile World Congress) oo qabsoomi doona dabayaaqada bishan February 2017.
Sida warbixinta lagu sheegay, telefoonkan waxa marka ugu horraysa lagu baahinayaa, lagana heli doonaa suuqyada Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka. Sidoo kale, waxa laga iibsan karaa moobaylka 3310 shirkadda Amazon ee dhinaca internet-ka, gaar ahaan suuqyadeeda. Telefoonkan waxa uu yeelan doonaa qaybo kala ah; saacad (Clock), Kalkulaytar (Calculator) iyo waliba inuu qofku 10 xasuusineed (10 reminders) ku kaydsado. Waxa kaloo uu yeelan doonaa afar ciyaarood (four games) oo kala ah Maska 2aad (Snake II), Lammaanaha labaad (Pair II), Duqaynta (Space impact) iyo Bantumi.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post