X

Sumsung oo Sannadka Cusub soo Saaraysa 5 Milyan oo Moobilada Galaxy S7

Araweelo News Network

Washington(ANN)Shirkadda Samsung ee soo saartay qalabka elaktarooniga, waqtiganna ugu haysata soo saarista telefoonnada casriga ah (smartphone), ayaa qorshaynaysa inay sannadka cusub ee 2016 soo saarto 5 milyan milyan oo noocoodu yahay Galaxy S7 sida uu baahiyey wargeyska elaktarooniga ka faallooda ee South Korea’s Electronic Times oo Jamhuuriya soo xigtay.

Shirkadda Samsung ayaa ilaha wargeysku soo xigtay tilmaameen in ay qorshaynayso soo saarista telefoonno kuwii hore ka duwan oo ballaca muraayadoodu tahay 5.2 iinj iyo 5.5 iinj oo ay u bixisay magaciisa Galaxy s7 edge.
Waxa qorshaheedu yahay in 3.3 milyan ay ka soo saarto mid muraayadiisu fidsan tahay, halka 1.6 milyan xabbana ay ka soo saari doonto nooc muraayadiisu xoodan tahay, taasoo bandhigiisa ugu horreeya suuqyada caalamka lagu qaban doono bisha February ee sannadka soo socda.

Moobilada shirkadda Samsung soo saarto ayaa hore ugu guulaytay suuqyada caalamka, kana mid noqday shirkadaha elaktarooniga ay soo saaraan noqdaan kuwo meel kasta laga isticmaalo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post