X

Shirkadda Facebook oo soo Kordhisay Qayb Cusub oo Qofku Intuu Shaqada ku Jiro Isticmaali Karo

Araweelo News Network

Degelka xidhiidhka bulshada ee Facebook oo beryahan dambe ka mid noqday baraha bulshada internetka kuwa loogu isticmaalka badan yahay ee dadku aadka ugu xidhiidhaan, ayaa hadda ku soo kordhisay qayb cusub oo qofka shaqaalaha ah inta uu shaqada ku jiro isticmaali karo.
Waxa ay masuuliyiinta facebook sheegeen in qaybtan loogu talagalay in hawlaha shaqada lagu dhammayn karo, gaar ahaan ganacsaada, hay’adaha iyo shirkadaha waaweyn ay isticmaali karaan si ay ugu wada xidhiidhaan, shaqaalahooduna uga faa’iidaysan karaan shaqo ahaan.
Qaybtan oo ay u bixiyeen Goob-shaqo (Workplace) waa barnaamij gaar ah oo qofka ku xidhiidhinaya facebook barta uu ku leeyahay, iyadoo heshiisyada lagu geli karo, ganacsiga la isku waydaarsan karo, halka dugsiyada iyo hay’adaha aan manfac doonka ahayn laf ahaantooda loogu baaqay in ay isticmaali karaan.
Hore waxa loo isticmaali jiray amma ururradu u isticmaali jireen qayb facebook ka mid ah (Facebook at work) la yidhaa 18 bilood ee u dambeeyey, balse hoos u dhac ku yimi aawadeed ayaa lagu soo kordhiyey qaybtan cusub oo leh muqaal toos ah (Live), warar iyo wax kasta oo uu qofku u baahdo leh.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post