X

Shirkadda Facebook Oo Bilowday Barnaamij Qofku Ku Joojin Karo Dadka Aannu Doonayn

Araweelo News Network

 

• La wadaag qodobkan Facebook
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Ma dhibsataa in aad aragto sawirro iyo waxyaabo badan oo ay soo daabacaan dad kala duwan ama shirkado iyo asxaabtaada aad taqaan?
Haddaba, waxaad u baahan tahay inaad isticmaasho barnaamij cusub oo shirkadda Facebook soo kordhisay oo ay u bixisay “Snooze,” kaas oo kuu fududeynayaa in aad si ku-meel-gaadh ah isaga joojiyo qofka aadan dooneyn in aad aragto farriimaha uu baahinayo.

Shirkadda Facebook.com ayaa sheegtay in macaamiisheeda ay u fududeyneyso inay iska xidhaan farriimaha saaxiibbadooda ama bogagga ay ku xidhan yihiin.

Fikraddu waxay tahay in dadka Facebook isticmaala ay iyaga maaamulaan wararka ama sawirrada ay arki karaan.

Waxa suurtogal ah in aadan arkin barnaamijkan cusub, laakiin waxaad badhankan ka heli kartaa dhanka sare ee midigta ee farriin kasta oo aad ku arkeyso Facebook-ga.

Haddii aad badhankaas ku dhufato, mar dambe ma arkeysid waxyaabaha ay soo daabacaan dadkaas, bogagga ama kooxaha, muddada aad adiga dalbato inaad iska yara aamusiiso.

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK/NEWSBEAT
“Waxaan maqalnay dadka oo dalbanaya inay u baahan yihiin barnaamijyo badan oo ay ku xakameeyaan waxyaabaha ay ku arki karaan Facebook iyo xilliga ay u baahan yihiin inay arkaan,” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday shirkadda.

“Barnaaamijkan cusub – Snooze – uma baahnid in aad qofka iska wada saartid si joogto ah (unfollow ama unfriend), balse waxaad muddo kooban iska joojin kartaa in aad aragto farriimahooda,” ayey sii raacisay Facebook.

Haddii mar uun aad qof aad taqaan isku dagaasheen inaad ka saartay facebook-gaaga, shirkaddu waxay u muuqataa inay arrintaas ka hortageyso.

Dadka, bogagga ama kooxaha aad iska yara aamusiiso ma ogaan doonaan arrintaas.

Waa adiga keligaa qofka ogaanaya marka ay dhammaato muddada aad iska joojisay, sidoo kalena waad ku dari kartaa haddii weli aadan dooneyn inaad aragto waxyaabaha ay soo bandhigaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/