X

Shirkadaha Tiknoolajiga oo Diiday Qorshe ah in Lagu Basaaso, Laguna Diiwaangeliyo Muslimiinta Maraykanka

Araweelo News Netwook

Shirkadaha tiknoolajiyadda caalamka hoggaaminaya ee Google, Apple iyo Uber, ayaa diiday dalab uu soo jeediyey maamulka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Mr. Donald Trump oo ay ku doonayaan in diiwaangelin lagu sameeyo, laguna basaaso dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkaaas.
Sida lagu baahiyey mareeg la yidhaa BuzzFeed oo Jamhuuriya soo xigtay, war-murtiyeed uu soo saaray afhayeen u hadlay shirkadda Apple, ayaa lagu sheegay; “Waxaan rajaynaynaa in dadka loola dhaqmo si isku mid ah, iyadoo aan loo eegayn waxay aaminsan yihiin, siday u egyihiin, cidda ay jecelyihiin. Nalama waydiisan, kamana yeelayno oo waannu ka soo horjeednaa.”
Sidoo kale, afhayeen u hadlay shirkadda Google ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku yidhi; “Aragtida ah in aannu taageeri doonno in la dhiso barnaamij Muslimka lagu diiwaangelinayo (Muslim Registry), nalama waydiin, dabcanna ma samaynayno, aadna waxaannu ugu faraxsannahay in aan dalabaadkan hadda miiska oolin.”
Sidaa si la mid ah ayaa shirkadda Uber ayaaa iyaduna sheegtay in aanay arrintaas marna oggolaanayn in lagu dhaqaaqo amma ay ka qaybqaataan.
Shirkadda kale Silicon Valley oo maamulka cusub ee Maraykanku ka dalbaday in ay u samayso barnaamij lagu dabagalo muslimiinta, ayaa ka biyo diiday arrintaas, taasina waxay keentay in cadaadis badan la saaro bilihii u dambeeyey, iyadoo shirkado kale oo tiknoolaji ah lagu qasbayo in ay arrintaas ka qaybgalaan, halka shirkadda Twitter laf ahaanteedu ay tilmaantay in mashruuc noocaas ah aanay ka qaybqaadanayn waligeed.
Arrintan waxay sii adkaatay markii afhayeen u hadlay shirkadda Facebook uu toddobaadkan warbaahinta u xaqiijiyey inuu jiro barnaamij lagu doonayo in Facebook lagu qabso inuu sameeyo hannaan lagu basaasayo dadka muslimiinta ah ee Maraykanka ku dhaqan, taas oo sababtay in shirkadda Facebook soo saarto wa-rmurtiyeed sheegaya in aanay arrintaas marna aqbalay, taageerana aanay ku lahayn.
Shirkado badan oo kuwa tiknoolajiga ah ayaa sheegay in maamulka Donald Trump uu dedaal ugu jiro sidii ay shirkadahaas ugu qasbi lahaayeen in loo sameeyo barnaamij lagu basaasayo, laguna diiwaangelinayo Muslimiinta ku dhaqan dalka Maraykanka, si xogtooda oo dhammaystiran loo hayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/