X

Shirkad soo Saartay Gaadhi ku Shaqaynaya Tamarta Birta, Hawada iyo Biyo

Araweelo News Network

Shirkad laga leeyahay Israa’iil oo la yidhaa Phinergey, ayaa soo saartay gaadhi ku shaqaynaya tamarta birta, hawada iyo biyaha.
Waddamada reer galbeedka oo inta badan ugu jirta dedaal in ay soo saaraan gaadhi aan ku shaqaynayn tamarta shidaalka si ay hoos ugu dhigaan kharashaadka kaga baxa saliidda iyo waliba saamaynta degaanka ay dikhawga baabuurtu ku leeyihiin, ayaa waqtigan ay Israa’iil ku guulaysatay in ay riyadaas rumayso oo ay hadafkaas ka hor gaadho reer galbeedka.
Gaadhigi ugu horreeyey ee elaktariga ku shaqeeya oo la sameeyey sannadkii 1837kii waxa uu ahaa mid kharash badan ku baxo, isla markaana xawaarihiisu aad u sarreeyo, balse 18 sanno ee la soo dhaafay waxa samaynta iyo ikhtiraaca baabuurtu ku socday xawaare aad u badan, sababtoo ah gaadhigii ugu horreeyey ee elaktaroonig shidaal ku shaqeeya ah waxa suuqa adduunka la soo geliyey sannadkii 1997-kii, iyadoo ay soo saartay shirkadda Tesla Roadster ee dalka Maraykanka laga leeyahay, waxaanay noqotay shirkadii ugu horraysay ee awoodda in baabuur amma gaadiid Maraykanka ka soo saarto, inta badana waxa soo wajaha dadka baabuurta isticmaala saddex shay kharashka, xawaaraha iyo gaadhiga noociisa.
Haddaba, shirkadda Phenergy oo Israa’iil laga leeyahay waxa ay samaysay gaadhi tiknoolajiga casriga ah la shaqaynaya, kaasoo isticmaalaya tamarta birta, hawada iyo biyaha si gaadhigu ugu dhaqaaqo. Gaadhigan oo ay u bixiyeen Metal-air Technology waxa cilmi-baadhista samayntiisu socotay sannado badan, sababtoo dunidu waqtigan khaati ka taagan tahay isticmaalka tamarta shidaalka oo qaali ah.
Laga soo bilaabo sannadkii 2008, waxa ay shirkaddan ka faa’iiday cilmi-baadhiso toban sanno socoday oo ay diyaariyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Bar-ilan University ee ku taal magaalada Tel Aviv, waxaana lagu guulaystay samaynta tiknoolajiyadan casriga ah oo iftiimisay in tamarta birta haddii la kaydiyo laga faa’iidaysan karo.
Shirkadda Phenergy baytariga ay samaysay waxa uu abuuraya tamar ka samaysay macdanta Aluminum iyo Ambient oo hawo iyo biyo ah. Waxaanay la mid tahay in gaadhigu sida dadka uu hawada ku shaqaynayo.
Khubarada gaadhigan samaysay waxay ka faa’iidaysay curiyayaasha amma macdanaha kala duwan ee birta, hawada iyo biyaha ku jira oo ay u beddeleen tamar gaadhigu ku dhaqaaqi karo, iyagoo sheegay in sannadada soo socda laga maarmi doono shidaalka, maadaama aad loo isticmaalay shidaallada dunida waqtigan yaala, gaar ahaan dalalka horumaray.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/