X

Shiinaha Oo Samaystay Qalab U Sahlaya Inuu Baadho Noollayaasha Hawada Sare

Araweelo News Network

Space Telescope

Dawladda Shiinaha, ayaa samaysatay soo dhawaysada ugu ballaadhan adduunka (Space Telescope) oo ay ugu talogashay in ay ku baadho in nooleyaal kale ku nool yahay hawada sare.

Soo dhawaysadan $180 milyan oo doollar ku baxday waxay awood u leedahay in ay xawaare degdega wax ku soo dhawayso, gaar ahaan meelaha mugdiga aadka ah ee hawada sare amma meerayaasha sare ay soo dhawayn karto.
Dawladda Shiinuhu waxa ay doonaysaa in ay bilawdo in ay dunida ka hawlgeliso satalaydka soo dhawaysada ugu weyn wata (single-dish Radio Telescope) oo awood u leh in ay cir-bixiyeennadu ku baadhi karaan arrimo qoto dheer iyo goobaha mugdiga ah ee meerayaasha hawada sare in ay nolol ka jirto amma noole kale ku nool yihiin.
Shiinaha oo hawlgalkiisan soo bandhigay shalay waxay mashruucoodan sayniska ah bixiyeen FAST (The Five-hundred-meter Aperture Spherical Telescope, or FAST), waxana lagu rakibayaa buuralay ku yaal dalkaas oo aad uga fog meelaha dadku ku nool yihiin, kuna dhaw Gobolka koonfurta galbeed ee Guizhou. Waxa ay soo dhawaysadan radaalku u rakiban yahay la balac tahay 30 garoon kubbadood, waxana sameeyey 4,000 qof oo khubaro ah, isla markanaa waxa ku baxday $180 milyan oo dollar.

Waxa kale oo loo baahan yahay in goobtaas ay ka hawlgalaan 10,000 qof, halka daraasadda hordhaca ah ee mashruucan lagu sadaaliyeyna la waday 14 sannadood, halka muddo shan sannadood ahna dhismaha soo dhawaysadan socday.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post