X

Saynisyahan 13 Jir ah oo Aqalka Cad Lagu Casuumay

Saynisyahan 13 Jir ah oo Aqalka Cad Lagu Casuumay

Wiil 13 sanno jir ah oo magaciisa la yidhaa Simon-peter Frimpong, una dhashay dalka Ghana ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa lagu casuumay Guriga Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.
Inankan yar oo waqtigan ku nool magaalada Aurora ee Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka, waxa uu ka mid noqday 100 arday oo isugu jira saynisyahanno, tiknoolaji, injineero iyo xisaabyahan (STEM) oo ka kala yimi magaalooyinka Ameerika.
Ardaydan yaryar, waxa ay ka mid noqdeen dadka ugu dambeeya ee Madaxweyne Obama kula kulmi doono Aqalka cad (Hands-on Showcase), gaar ahaan waxa uu ka mid ahaa wiilkan yar hal-a-buurada wax ka beddelka sameeyey intii ay wax baranaayeen, dunida wax ku soo biiriyey.
Wiilka yar ee la yidhaah Simon-Peter iyo laba arday oo ay wada dhigtaan dugsiga, ayaa lagu dhiirigeliyey in ay la shaqeeyaan xarunta ciidammada cirka ee Buckley Air Force Base oo sheegtay in ay u baahan tahay lugaha dadka curyaama loo xidho (Prosthetic limb).
Saddexdan saynisyahan waxa ay nashaqdeeyeen, sameeyeenan lugo artafiishal ah oo loo isticmaalayo komubyuutar, isla markaana noocoodu 3-D yihiin, iyagoo sidoo kalena warraysiyo ka qaaday dad isticmaalay lugahooda, iyadoo macalimiintooduna aad uga yaabeen kartida ardaydan carruurta ah ku sameeyeen cagaha amma lugaha dadka curyaamiinta ah ku socon karaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/