X

Qalab Lagu soo Bandhigay Shir Dhinaca Ikhtiraaca ah oo Maraykanka Lagu Qabtay Iyo Waxyaabaha Lagu Soo Bandhigay

Araweelo News Network

Hal-abuurro dhinaca curinta ah oo adduunka isaga kala yimi ayaa toddobaadkii u dambeeyey waqtigooda ku qaatay shir ka socday magaalada Texas ee dalka Maraykanka, iyagoo ku soo bandhigay ikhtiraacyo ay sameeyeen ku saabsan inay hab-nololeedka bani’aadamka wax kaga beddelaan.
Waxyaabaha cajiibka ee shirkaas lagu soo bandhigay waxa ka mid ah qalab yar oo si degdega loogu ogaanayo cudurla kansarka, laambad tamarta cadceedda kaydsanaysa oo qaxootiyada adduunka ku sii badanaya loogu talogalay.
Waxa ugu cajiibsanaa qalabka yar ee lagu ogaanayo kansarka naasaha haweenka kaga dhaca oo qiimaha lagu ikhtiraacay yahay wax ka yar $10 doollar, balse adduunka wax badan ka beddeli doona oo si degdeg ah loogu ogaan karo kansarka.
Qalabkan oo muddo saacad ka yar ku sheegaya in haweenaydu qabto kansarka naasaha iyo in kale waxa kaliya ee loo baahan yahay in lagu baadho waa ilmada haweenayda.
“Waxa aan ikhtiraacnay qalab yar oo Kansarka naasaha si degdeg ah loogu baadhi karo, waxaannu ka samaysan yahay qalab la mid ah ka lagu baadho uurka, waana qalab jaban oo si degdeg ah loogu ogaan karo kansarka, wax badana ka beddeli doona caafimaadka,” ayuu yidhi Mr. Omid Moghadam oo ikhtiraacay qalabkan.
Sidoo kale, waxa ka mid ahaa qalabka meesha lagu soo bandhigay laambad yar oo qofku luqunta ku xidhanayo, taasoo la shaqaynaysa cadceedda, waxa uu doonana ku qabsan karo habeenkii, taasoo loogu talogalay qaxootiga dunida ee koronto la’aantu hayso.
Mr. Felix Hallwatchs oo ka mid ah khubarada sameeyey qalabkan, agaasimana ka ah shirkadda Little Sun la yidhaa oo ikhtiraacan cusub shirka ku soo bandhigtay, ayaa sheegay in tamarta cadceedda laga faa’iidaysan karo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/