X

NASA Oo Sheegtay In Labada Todobaad Ee U Danbeeya 15- 30 Nov 2015, Laga Cabsi-Qabo Mugdi Dunida Soo Waajaha


Washington(ANN)Hay’adda Dayaxgacmeedka iyo saadaasha Hawada ee NASA ayaa soo saartay warbixin ka kooban 1000 (Kun Bog) oo aay ku soo bandhigtay in Adduunka uu noqondoona (15) Maalmood MUGDI, taasoo bilaaban doonta Bisha November 15 oo Axad ah ilaa bisha November 30.
Charles Bolden, oo uu dhawaantan madaxweyne Obama u magacaabay madaxa NASA ayaa soo saaray warbixinta ka kooban 1000 bog.

Waxaa ku xusan warbixinta in bishan Oktober 26 VENUS iyo JUPITER in aay isku soo dhawaan doonaan si siman, waxaana u dhexeyn doona hal degree (1 Degree). Venus waxaa uu dhaafi doonaa dhanka koofur-galbeed Jupiter, taasoo keeni doonta in Venus iftiinkiisa oo kor u koco toban jibaar ka badan midka Jupiter.

Rogaal celinta gaaska uu sii deyn doono ayaa noqoneysa mid aanan la koobi karin hydrogenta ku jirta hawada sare. Hydrogentaas gaaska ah ayaa ku milmi doonta qorraxda dhulka qiyaas ahaan saacadu markey tahay 2.50 AM saqda dhexe.

Ku milmidaas hydrogenta ayaa keeni doonta qarax aad u weyn oo ka dhaca daafaca qoraxda. Qaraxaas ayaa waxaa uu kor u qaadi doonaa heer-kulka qoraxda in lagu qiyaasay 9000 oo degree.

Qorraxda ayaa markaa kaddib hoos u dhigi doonta heerkulkeeda kana dheeraan doonta dhexda. Waxaa tani keeni doontaa in iftiinka qoraxda uu hoos u dhaco adduunkana noqdo MUGDI.

Qaybo ka mid ah dunida ayaa dareemi doona wakhti 7-8 daqiiqadood ah iftiin aad u xoog badan ka hor inta aanu dhulku wada noqon .madaw amba mugdi taasi oo ku beegan 15ka nov.2015 ahna maalin axad ah.
HALKAN KA EEG WARBIXINTA
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/