X

Mudaharaadyo Ka Dhan Ah FBI-da Maraykanka Oo Loo Balamay, waa maxay sababtu?

Araweelo News Network

Washington(ANN)Mudaharaadyo ka dhan ah Haya’dda baadhista denbiyada ee FBI, ayaa loo balamay, waxaana waqtigan isu diyaariyey mudaharaad ka dhici doona in ka badan 30 magaalo oo Maraykanka ah malaayiin qof, kaasoo lagu muujinayo sida looga soo horjeedo qorshe hay’adda Dambi-baadhista ee Maraykanka (FBI) damacsan tahay in shirkadda Apple ee telefoonnada iPhone ugu ogolaato in ay u fududayso siday macluumaad uga heli karaan qof kasta oo telefoonkan isticmaala.
FBI Maraykanka ayaa codsigan u gudbisay shirkadda Apple bishii December ee sannadkii hore, kadib markii nin dil wadareed ka fuliyey Koonfurta California uu isticmaalayey telefoonka iPhone.
Mudaharaadkan oo ay soo qabanqaabiyeen koox internet-ka uga dhaqdhaqaaqda xuquuqaha tiknoolajiyada oo la yidhaa Fight for Future (U dagaalan Mustaqbalka), ayaa mudaharaadkooda ka qorsheeyey inuu Salaasada berri ka qabsoomo Maraykanka, Ingiriiska, Hong Kong iyo Jarmalka.
Xubnaha Maraykanka ku dhigaya waxa ay mudaharaadkooda ku qaban doonaan magaalooyinka in ka badan 20 gobol oo ay ku jiraan New York, Chicago, San Francisco iyo Washington, gaar ahaan waxa ay ku hor mudaharaadi doonaan xarumaha FBI ay ku leedahay magaalooyinkan.
Mudaharaadkan waxa uu imanaya toddobaad uun kadib, markii FBI Maraykanku Maxkamadda tegeen si shirkadda Apple ay ugu qasabto in ay fududayso sida lagu heli karo macluumaadka isticmalayaasha telefoonnada iPhone si ay u qaban karaan qof kasta oo looga shakiyo inuu faldambiyeed qaranka ka dhan ah fulinaayo.
Shirkadda Apple, ayaa ka dooday amarka maxkamaddu ku soo rogtay, iyagoo ku dooday in barnaamij (software) ay FBI iibsadeen lagu jebiyey macluumaada malaayiiin iPhone ah, halka FBI sheegtay in shirkadda Apple aad u adkaysay ammaanka iyo la bixista macluumaadka telefoonnadooda.
Mudaharaadkan waxa ay kooxda Fight for the Future la yidhaa ku doonayaan in maamulka Obama lagu qassbo in ay faraha kala baxaan in shirkadda Apple lagu qasbo in macluumaadkeeda ay fududayso si hay’adaha ammaan u heli karaan qof kasta maclumaadkooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/