X

Maxkamad Toban Sanno ku Xukuntay Qareen Laga Raacay Farriin uu ku Faafiyey Facebook

Araweelo News Network

Maxkamadda dambiyada ee dalka Masar, ayaa garyaqaan xuquuqal-insaanka u dooda ku xukuntay 10 sannadood oo xabsi ah, 5 sannadood oo xabsi guri ah iyo in laga mamnuuco isticmaalka baraha bulshada (Social Media), sida Facebook-ga, kadib markii lagu eedeeyey in farriin uu soo dhigay ay sababtay in ay curyaamiso, dhaawacna u geysatay ammaanka guud ee qaranka iyo nabada bulshada dalka Masar.
Garyaqaankan Masriga ah oo magaciisa la yidhaa Maxamed Ramadan, waxa loo adeegsaday xeerka ka-hortaga argagixisada, maalin uun kadib markii Maxdaxweyne Abdel-Taffah el-Sissi uu ku dhawaaqay saddex bilood oo xaalad degdeg ah in qaranka Masar galay toddobaadkii hore.
Sharcigan ayaa tilmaamaya in siyaabo badan qofka argagixiso looga dhigo karo, tusaale ahaan haddii qofka lagu helo inuu fikrado borobagaando ah fidinayo amma uu baraha bulshada ku baahiyo waxyaabo dawladdu u aragto xad-gudub ka dhan ah qaranka.
Qareen Ramadaan waxa xukunkan ku dhacay isagoo maqan, iyadoo loo adeegsaday caddayn bogga uu Facebook ku leeyahay, waxaana garsoorayaasha qaaday xukunkooda caddayn ahaan ku saleeyeen qoraalka uu bartaas Facebook ku qoray

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post