X

Mareegta Facebook oo Fududaysay inay is Helaan Qoys iyo Wiilkoodii oo Israadinayey 10 Sanadood

Araweelo News Network


Nin maqalka naafo ka ah, isla markaana aan hadli karin oo u dhashay dalka Masar, ayaa aakhirkii la midoobay qoyskiisa, kadib markii ay muddo 10 sannadood ah la’ aayeen, taasoo helitaankiisa ay fududaysay baraha bulshada ee internetku (Social Media).
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Saki Abdulmenem waxa uu isagoo 18 jir ah qoyskiisa ka lumay sannadkii 2008-kii, kadib markii hooyadii iyo isagu booqasho ugu tageen gabadh ay walaalo yihiin oo deggan degaanka Beheira oo woqooyi ka xiga caasimadda Masar ee Qaahira.
Mr. Saki oo aan hadli karin, waxbana qorin karin ayaa awoodi waayey inuu dadka u sheego haybtiisa si qoyskiisa loogu raadiyo, halka qoyskiisuna muddadaas dheer aanay ka samrin oo ay baadi-doonkiisa ku jireen, balse ku guuldarraysteen inay ku helaan raacdo adag oo ay u galeen.
Markii sannado badan ka soo wareegeen ayaa nin ay qoyska qaraabo yihiin uu jawaab ka helay, kadib markii uu barta Facebook ku arkay sawirka Saki oo la baafinayo.
Koox facebook isticmaasha oo inta badan u hawlgasha raadinta dadka la waayo, ayaa soo dhigay sawirrada dad ay doonayaan in qoysaskoodu aqoonsadaan, kaasoo uu ka mid ahaa Saki, waxana gartay Badran Ajaj oo ay ilmaadeer yihiin.
“Waxa aannu ogaannay sawirkiisa oo bartaas lagu xusay, dabadeedna waxaannu helnay inuu sannadadaas oo dhan u shaqaynayey nin, laakiin waxaannu xaqiiqsannay markii aan meesha tegnay inuu 20 maalmood ka or uun tegay,” ayuu Ajaj u sheegay telefishanka Al Arabiya.
Markii bilo ka soo wareegeen, ayaa aakhirkii qof kale oo deggan magaalada Faiyun uu facebook soo dhigay sawir kale oo dad la waayey ah oo uu ku jiro Saki si qoysaskoodu u aqoonsadaan.
“Markiiba waxaannu la hadalnay ninkaas, waxaannu noo sheegay inuu hayo Saki, haynaayana intaannu soo gaadhanyno. Waxa aannu u mahadnaqaynaa qof kasta oo tulooyinkii aan marnay iyo gobolladii ah oo nagu caawiyey in Saki aan raadinyo. Awoodda internet-ka iyo isku xidhnaanta dadku waxay keenayaan wax badan oo faa’iido leh,” ayey yidhaahdeen qoyska Saki.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post