Araweelo News Network
Nin magaciisu yahay Mr. Aghogho Ajiyen, kana soo jeeda Gobolka Delta ee dalka Nayjeeriya, ayaa ku guulaystay inuu sameeyo amma dhiso diyaarad (Aircraft) uu ka sameeyey alaab dhammaanteed uu gudaha waddankiisa ka helay.
Hase yeeshee, Mr. Aghogho, ayaa la sheegay in aannu haysan shahaado jaamacadeed, balse aqoontiisa gaarka ah ay u saamaxday inuu ku dhiirrado inuu diyaarad duulaysa sameeyo.
Mr. Ajeyen waxa uu sidan oo kale isku dayey inuu diyaarad sameeyo sannadkii 1999-kii, laakiin kuma guulaysan, kamana uu hadhin, mana niyad-jabin ee uu wuxuu ku dhiirraday inuu hammigiisa sii wado, iskuna dayo ka midho-dhalinta hadafkiisa.
Waxa uu bilaabay inuu baadhitaan ku sameeyo sida diyaaraddu u samaysan tahay iyo waxyaabaha u saamaxa inay duusho, kadib markii uu sameeyey, una dhammaystiray qalabkii wuxuu ku tijaabiyey in ay duusho, iska daa inay duusho ee waxa uu xataa ku dhejiyey kamarad uu ugu talogalay in uu ku duubo degaankiisa.
Sidoo kale, diyaaraddan uu sameeyey waxay ku duulaysaa shidaal uu isagu ugu talogalay, waxaannu u sameeyey taangi qaadaya shidaal muddada uu doonayo diyaaraddiisu ku duuli karto.
Diyaaraddan oo ah mid aad u yar (Mini Aircraft), balse u dhan yihiin wax kasta oo diyaarad duusha leedahay, ma qaadi karto qof, waxase looga faa’iidaysan karaa siyaabo kale oo ay ka mid yihiin in lagu kormeero degaannada iyo in waxyeellada degaanka gaadha lagu ogaan karo.
Mr. Ajeyen waxa uu sheegay in diyaaraddiisan tahay macquul, isagoo si ramsi ah ugu soo bandhigay muuqaallo warbaahintu ka qaadday sida ay diyaaraddu u duulayso iyo awoodda ay u leedahay in ay xawaare ku duusho.