X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska Qaybta By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 31aad

Abu Hamid Al-Ghazali (1058-1128 C.E.)

Intii aannu dhiman Al Ghazali aabbihii waxa uu gacanta ka geliyey isaga iyo waalaalkii Axmed nin ay asxaab ahaayeen oo la odhan jiray Sufi, isagoo ka codsaday inuu ku kharashgareeyo lacag kastoo uu uga tegay labadiisa wiil, waxna ku baro in ay wax qoraan, akhriyaana. Markii lacagtii dhammaatay wuxuu Sufi ka codsaday labadoodaba in ay ku biiraan dugsi si ay wax u bartaan. Sida uu qoray Al Subki, si gaar ahna ugu qoray buuggiisa waxa uu ahaa dugsiga la geeyey AlGhazali iyo walaalkii mid ay ka helaayeen guri iyo cuntaba.
Caalamkii la odhan jiray Al Ghazali wuxuu bilaabay inuu waxbarashadiisa ku qaato magalada Tus, waxaana macallin halkaas ugu ahaa Axmad Al Radhakani, kadib wuxuu uga sii gudbay degaanka Jurjan, halkaasoo uu ku qoray buugga la yidhaa Al Ta’liqah oo uu ka qoray macallinkiisii Al Qasim Al Isma’ili Al Jurjani. Waxa uu ku soo noqday degaanka Tus muddo saddex sanno ah markii uu ka maqnaa, kadib wuxuu tegay Nishapur, waxaannu ku biiray dugsiga Nizamiyyah, halkaas oo uu arday u noqday Imam Al Haramayn Al Juwaini muddo saddeed sannadood ahna wax ka baranayey ilaa intii uu sheekhu ka geeriyoonayey. Intii waqtigaas lagu guda jiray Al Ghazali waxa uu aad u bartay cilmiga Islaamka, marka laga reebo cilmiga Xadiiska, waxaannu sidaas ku sheegay baragaraafka ugu dambeeya buuggiisa Qanun Al Ta’wil (The Law of Metaphorical Exegesis). Markii uu macallinkiisii Al Juwaini geeriyooday waxa uu Al Ghazali tegay xerada la yidhaa Al Mu’askar oo ka mid ah aasaasay dugsiga Nazimmiyah ninkaas oo la yidhaa Nizam Al Mulk.
Xeradan waxay ahayd goob culimadu ku kulmaan, kagana doodaan cilmiga sayniska. Al Ghazli waxa uu ku guulaystay in ay khubarada kale ixtiraam u hayaan, waxaannu Nizm Al Mulk u xil saaray inuu noqdo macallinka dugsiga Nizamiyyah qaybtiia Baqdaad, halkaa wuxuu dhigayey intii u dhaxaysay 1091 ilaa 1095, arrintaasina waxay soo jeedisay karaamo, ixtiraam iyo hanti uu xataa amiirka, boqorka iyo khubaraduba u hayaan… la soco…

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/