X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 35aad

Ibn Rushd (1128-1198 C.E.)

Abu Waleed Muhammad Ibn Axmed Ibn Muhammad Ibn Rush doo reer galbeedku u yaqanaan Averroes waxa uu dhashay sannadkii 1128kii, waxaannu ku dhashay degaanka Cordova, halkaas oo aawoowgii iyo aabbihii ka ahaayeen garsoorayaal. Awoowgii wuxuu caan ku ahaa Fiqiga, gaar ahaan mad-habta Maliki, waxaannu ahaa imaamka masaajidka Cordova.
Wiilkan yare e ay dhaleen ee Ibn Rushid waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay degaanka Cordova halkaas oo uu ku haystay nolol fiican, inta badan ee waqtigiisana waxbarashada ku qaadan jiray, waxyaabaha uu bartay ee khaaska loogu yaqaan waxa ka mid ahaa falsafada iyo sharciga oo uu ka bartay Abu Ja’afar Haroon iyo waliba Ibn Baja. Waxyaabaha kale ee uu bartay waxa ka mid ahaa caafimaadka.
Al Hakam oo ahaa khaliifkii caanka ahaa ee Spain xukumijiray, waxa uu ka dhisay deegaanka Cardova laybareeri aad u wanaagsana, kaasoo ay yaaleen 500,000 buug. Laf ahaantiisu waxa uu wax ka bartay buuggaagtan. Buuggaagtan qaniga ah ee goobtaas lagu ururiyey waxay bud-dhig u noqdeen in aqoonta dadka Spain noqoto mid aad u sarraysa, kana soo baxaan Ibn Rushd iyo rag la mid ah oo sii noola 2 qarni oo dambe.

Abu Yaqub oo ahaa Khaliifka Morocco ayaa Ibn Rushd ugu yeedhay magaaladiisa, kadibna u magacaabay inuu dhakhatar cudurrada guud ah ka noqdo cusbitaalka Ibn Tufail. Wiil uu dhalay oo la yidhaa Yaqub Al Mansur ayaa wax badan ka hoos bartay.

Haddaba, buuggaagta uu diyaariyey Ibn Rushd waxay ahaayeen qaar cilmi aad u adag ku qornaa. Markii qoraaladaas ay ka soo dhex galeen khubaro kale, ayaa haddana mar kale afar sanno kadib looga yeedhay Morocco, waqtigaas oo ahayd 1198… la soco…

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/