X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 33aad

Abu Marwan Ibn Zuhr (1091-1161 C.E.)

Waxyaabaha uu cilmiga ku soo kordheyey aadka u miisaanka culus waxa ka mid ahaa inuu qoray buuggaag badan oo hadda laga hayo saddex kaliya, kuwaasoo kala ah Kitab Al Taisir Fi Al Mudawat Wa Al Tadbir (Buuggan oo ka hadla aragtiyaha guud ee ku saabsan cuntooyinka) oo la qoray khabiirka la yidhaa Ibn Rashd.
Waxa kaloo ka mid ah buuggaagta laga xasuusto khabiirkan buug ka hadla walxaha jidhka dibadda kaga yimaad iyo daawaynta muruqyada. Buugga la yidhaa Al Iqtisad Fi Islah Al Anfus wa Al Ajsad oo ka hadla dib-u-habaynta ruuxa. Buug kaloo uu ku soo koobay cudurrada, nadaafada iyo jidhka, waxaan meesha ka maqnayn buuggaagta cilmi-nafsiga ka hadla oo uu dunida waqtigaas ku soo kordhiyey, qaar uu cuntooyinka iyo daawooyinku saamaynta ay caafimaadka ku leeyihiin kaga hadlayey.
Inta badan shaqada iyo dedaalkiisu waxay ku xidhnaayeen shaqo adag iyo cilmi-baadhisu uu samayn jirtay oo aakhirkana tijaabin jiray sida ay u hirgasho, waxaanay shaqada caafimaad ee uu soo kordhiyey saamayn aad u wanaagssan ku yeelatay cilmiga caafimaadka ee dhawr qarni oo ka dambeeyey waqtigaa uu noola, gaar ahaan waxa ay aad saamayn ugu yeelatay bariga iyoi galbeedka Eeshiya iyo Yuruba, buuggaagtiisana waxa loo turjumay Latin iyo luuqada Yuhuuda ee Hebrew aakhirkii qarnigii 18aadna waxa ay caan ka ahaayeen qaarada Yurub oo aad looga isticmaali jiray.
Khabiirkan waxa uu ka mid yahay ragga aadka loogu xasuustu cilmiyada kala duwan ee caafimaadka, dunidana wax badan ku soo kordheyey, aadna ay u majiirtaan rag badan oo dunida aad loogaga yaqaan, gaar ahaan bahda caafimaadka dadka lagu tiriyo…. La soco…
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/