X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 32aad

Abu Marwan Ibn Zuhr (1091-1161 C.E.) Abu Marwan Abdi Al Malik Ibn Zuhr waxa uu ku dhashay magaalada Seville sannadkii 1091/c (1094 C.E.). markii uu tacliinta dhammaytay wuxuu si gaar ah ugu takhasusay caafimaada, waxaannu ka qayb noqday adeegayaashii caafimaad ee maamulkii Al Moravide (Al Murabatun), balse markii maamulkaas ay jabiyeen Al Mohades (Al Muwahadun) waxa uu ka hoos shaqeeyey Abd Al Mu’min oo ahaa maamulihii ugu horreeyey ee Muwahid yeelato. Waxaannu ku dhintay isla magaaladii uu u dhashay ee Sevile markay taariikhdu ahayd 1161/C (1162 E.E). Sida uu caddeeyey khabiir la odhan jiray George Sarton, muu ahayn in Yuhuudi ah, balse wuxuu ahaa Muslim asal ahaan ka soo jeeday Orthodox. Ibn Zuhr waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirta cudurrada guud ugu caansa ee waqtigii Musliminka, waxaannu taariikhda caafimaadka ku leeyahay meel weyn. Marka laga yimaado taariikhda uu caafimaadka Islamka ku leeyahay, shaqadiisu waxay u badnay qayb gaar ah oo caafimaadka oo u saamaxday inuu noqdo nin caan ah oo ka midho dhaliya hadafka kaliya ee uu qaatay oo ahaa inuu aqoonta caafimaadka ku guulaysto. Dhakhtar guud ahaan wuxuu ogaaday waxyaabo badan, waxaannu markii ugu horraysay qeexay cilmiga Parasitology (Barashada dulinka jidhka cuna). Sidoo kale waxa uu ogaaday waxyaabaha la yidhaa Tracheotomy ee sida toos ah u quutaa mindhicirada qaybaha ka midka ah ee Gulletka iyo dabada (rectum). Waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey daawada kansarka ku dhaca midhicirada, xannuunada kale ee uur ku jirta, gaar ahaan midhicirada… la soco….

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post