X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 25aad

Abu Raihan Al-Biruni (973-1048 C.E.)
Markii uu Al Biruni ku noqday dalka Hindiya waxa uu qoray buuggiisii caanka ah ee la odhan jiray Qanuni Masoodi (Al Qanuun Al Masudi Fi Al Hai’ Wa Al Najum), kaasoo uu aad ugu ammaanay Sultan Masood. Buuggu wuxuu ka hadlayey aragtiyo kala duwan oo cilmiga xidigiska ah amma trigonometry, cadceedda, dayaxa iyo dhaqdhaqaaqa walxaha. Buug kaloo uu qoray khabiirkan oo la yidhaa Al Athar Al Baqia wuxuu kaga hadlay taariikhda qaramo badan iyo waliba cilmiga juquraafiga, sidoo kalena wuxuu ku qeexay wareegga dhulka, isagoo waliba si gaar ah ugaga hadlay dhigaha iyo loolka meelo kala duwan oo dunida ah.
Sidoo kale, wuxuu sameeyey waxyaabo badan oo uu ku soo kordhiyey cilmiga faysigiska iyo juquraafiqa. Waxyaabaha kalee uu cilmiga sayniska ku soo kordhiyey waxa ka mid ah cufka 18 dhagax oo caalamka hadda caan ka ah. Waxa kaloo qoray buug la yidhaa Kitab Al Saidana, kaasoo ay ku qoran yihiin erayo aad u badan oo cilmiga carabiga ah ah, gaar ahaan ka hadlaya daawooyinka Hindiya.
Buugga kale ee la yidhaa Kitab Al Jamahir waxa uu kaga hadlay astaamaha ay leeyihiin dhagaxaan aad qaali u ah. Sidoo kale, waxa khabiirkan lagu yaqaannay inuu ahaa nin xidigiska ku talax-tegay, dad badanna waxyaabo badan oo uu sadaaliyo arki jireen.
Waxa uu si fiican u kala saaray xisaabo badan oo luqadda Hindiga ku qoran, waxaannu ka caawiyey Hindida in xisaabo badan oo ay maaro u wayaan fahamsiiyo, una kala saaro.
Mr. Al Birunu waxa lagu xasuustaa inuu si fiican uga u iftiimiyey dood qarniyo badan ka taagnayd dunida oo ah in dhulku udub-dhexaadkiisa ku wareego iyo in aannu ku wareegin? Waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee sameeyey tijaabada xidigiska ku dhisan oo jawaab loogu helayosu’aashaas. Cilmi badan oo uu dunida Islaamka u soo saaray ilaa hadda waa la isticmaalaa. … la sooc…
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380