X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 23aad

Abu Hasan ibn Al-Haitham (965-1040 C.E.)

Waxyaabaha uu ku soo kordhiyey xisaabtay iyo faysigiska waa qaar aan la soo koobi karin. Tusaale ahaan xisaabta, waxa uu horumariyey fallanqaynta xisaabta Geometry, isagoo soo saaray xidhiidhka ka dhaxeeya xisaabaadka Algebra iyo Geomerty. Waxa uu si fiican u daraasadeeyey socodka walxaha, waxaannu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ogaada in walxuhu dhaqaaqoodu yahay mid joogto ah ilaa uu yimaado xoog dibada ah oo joojiya amma beddelaya jihada ay ku socdeen. Arrintana waxay u muuqta in ay ku filan tahay sharciga dhaqaaqa walxaha (Law of Motion).
Tirade buuggaagta uu qoray oo kor u dhaaftay 200 waxa ka badbaaday oo gacanta lagu hayaa wax aad u tiro yar, xata buuggii cilmiga indhaha uu ka qoray waxa uu badbaaday isagoo luuqada Latin lagu turjumay. Intii lagu guda jiray waqtiyadii qarniyada dhexe buuggaagtiisa laga qoray Barashada Koomka (Cosmology) waxa loo turjumay luuqadaha Latin, luuqada Yuhuuda ee Hebrew iyo qaar kale oo badan.
Qoraalada uu diyaariyey waxa ku jira waxyaabo badan oo Muslimka aqoontiisa ka hadlaaya iyo aragtiyaha uu caalamka ku soo kordhiyey. Ib Al Hatiham waxa uu saamayn badan ku leeyahay dunida faysigiska iyo waliba xisaabta, waxaannu ku jiraa dadka darajada sare ka gaadhay aqoontaas… la soc

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380