X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 22aad

Abu Hasan ibn Al-Haitham (965-1040 C.E.)

Abu Cali Xasan Ibn Al Haitham waxxa uu ka mid ahaa culimada dunida cilmiga Faysigiska lagu majiirto, kaasoo wax badan ku soo kordhiyey iyo waliba aragtiyo aad u badan oo ilaa hadda la isticmaalo. Waxa reer galbeedku u yaqanaan Alhazen, waxaannu dhashay sannadkii 965 kii oo uu ku dhashay magaalada Basrah, isagoo cilmigiisa ku qaatay isla magaaladaas iyo Baqdaad, kadib wuxuu u tegay dalka Masar, halkaas oo uu doonaayey inuu ka ogaado habab loo xakamayn karo biyaha webiga Nile, balse uu ku guul darraystay.
Maadaama uu hamigiisii ku guulaysan waayey wuxuu noqday nin aan maskax ahaan degenayn ilaa intii uu ka geeriyoonaayey Khalif Al Hakim. Waxa kale oo uu u safray dalka Spain, intii waqtigan lagu guda jirayna waxa uu ku guulaystay cilmiga sayniska inuu wax badan ku soo daro, sida qalabka indhaha lagu eego (Optics), xisaabta, faysisigs, caafimaadka iyo inuu horumariyo habab cilmiyeysan oo uu ka qoray dhawr buug oo aad u qiimo badan.
Waxa uu baadhitaan ku sameeyey darriiqa uu laydhku ku safro, gaar ahaan shayda kala duwan, kadib wuxuu ikhtiraacay Sharciga hirarku ku beddela darriiqa ay ku safrayaan markay walxaha dhex marayaan (Law of Refraction).
Sidoo kale, waa qofkii ugu horreeyey ee sameeya tijaabada ee ku saabsan sida laydhku ugu kala safro midabada amma ugu kala firdho. Buugga la yidhaa Kitab-al-manadhir oo loo turjumay luuqada Latinka waqtigadii qarniyada dhexe (Midle Age) waxa uu kaga hadlaayey midabada iyo cadceeda, waxaana ka mid ah aragtiyada uu soo saaray kuwa la yidhaa Hadhka, Dayac-madoobaadka, jeegaanta iyio laydhka dabiiciga ahba…. La soco…

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380