X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska.By. Ibraahim Khadar Siciid Qaybtii 17aad

Abul Hasan Ali Al-Masu’di:
Abu Xasan Cali Ibn Xuseen Ibn Cali Al Masu’di waa mid ka mid ah tafiirta Cabdillah Ibn Masu’d oo ka mid ahaa asaxaabtii Nebiga (NNKHA). Waxa uu ahaa khabiir culuunta juquraafiga, taariikhda iyo fiisigiska loo daba fadhiiisto.
Khabiir Masu’di waxa uu dhashay dhammaadkii qarnigii 9aad, balse lama garanayo tariikhda dhabta ah ee uu dhashay, waxaannu ahaa Carabta la yidhaa Mutazilite, kaasoo ka yimi dhul aad u fog, isla markaana aakhirkii ku dhintay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar markii taariikhdu ahayd 957kii eemiilaadiga.
Waxa kale oo uu sannadkii 915 kii u safray magaalada Fars, kadibna markuu hal sanno joogay magaalada Istikhar wuxuu uga gudbay Baqdaad oo u sii dhaafay dalka Hindiya.
Hindiya wuxuu ugu tegay 10,000 qof oo Carab ah oo deggan dekedda la yidhaa Champpr ee ka mid ah Gobolka Gujrat. Waxa kaloo uu safar ku tegay degaannada Deccan, Ceylon, Indo-China iyo weliba dalka Shiinaha, waxaannu u sii dhaafay dhinaca waddamada Madagascar, Zanjibar iyo Oman oo uu uga gudbay magaalada Basra ee dalka Ciraaq. Dhammaan intii uu dalalkaas safarka ku marayey wuxuu ka korodhsanayey aqoon, waxaannu uga tegayey cilmi dhaxal-gal ka noqday oo dadkoodu ka faa’iideen.
Intii uu Basra joogay wuxuu dhammaystiray buug uu u bixiyey Muruj Al Thahab, kuna qeexayo khibradda iyo waayo-aragnimada uu ka dhaxlay dalalkaas kala duwan, dadkooda iyo cimilooyinkooda, wuxuunna si gaar ah uga warramay dadka Yuhuudda, Iran, Hindiya iyo Chritian.
Magaalada Basra waxa uu uga gudbay dalka Suuriya, halkaas oo aakhirkii u sii dhaafay Qaahira oo uu ku qoray buuggiisii labaad oo la yidhaa Muruj Al Zaman amma nuqulkii 30aad. Buuggan wuxuu ku qeexay juquraafiga iyo taariikhda waddamada uu maray… La soco…

Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380