X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska, By. Ibraahim Khadar Siciid Q/ 18aad

Abul Hasan Ali Al-Masu’di
Maxsu’di waxa uu waxyaabo aad u muhiima ku biiriyey faniga muusiga iyo cilmiyada kale ee sayniska. Buugga la yidhaa Muruj Al Thahab waxa uu ku sheegay macluumaad ku saabsan muusigii hore ee Carabta iyo muusig waddamo kale leeyihiin.
Sidaynu soo sheegtay waxa uu sidoo kale wax badan ka qoray buuggaagta daawooyinka ka warama sida buugga Muruj Al Zaman, isagoo waliba raaciyey kutub kale oo muhiim ah oo la kala yidhaa Kitab Al Ausat, Kitab Al Tanbih Wa Al Ishraf. Waxa nasiib darro ah in aan badankoodii la helin 34 kutub oo uu qoray, waxaana ka badbaaday oo la ogaaday saddex kaliya oo ka mid ah. Waxaana halkaas ku lumay cilmiyo badan oo uu ogaaday intii uu ku jiray safarka u dhaxeeyey Shiinaha ilaa Madagascar.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu soo saaray waxay u badnaayeen Juquraafiga, taariikhda iyo cilmiyo kale ee dhulka. Waxaana cajiib ah inuu ka mid ahaa saynisyahannadii hore ee soo saara qiimaynta macdano badan oo koobka dul yaal, dhir iyo xayawaan iyo cilmiga ku duugan dhulalka waddamo badan oo caalamka ah…. La soco…
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380