X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska. By, Ibraahim Khadar Siciid Q.16aad

Abu Al-Nasr Al-Farabi (870-950 C.E.):
Intii lagu jiray sannadihii hore waxa uu ahaa qaadi amma garsoore, balse markii dambe waxa xirfadiisii bartay inuu noqdo nin dadka aqoonta bara, inkastoo ay dhibaatooyin iyo carqalado badan soo wajaheen bilowgii.
Waxa uu sannadkii 950 kii C.E ku geeriyooday magaalada Dimishiq isagoo 80 jir ah, waxayna waqtigaa aqoontiisu ahayd mid aad dadku ula cajabaan, waxaannu cilmiyada kala duwan ee falsafadda, caqliyadda iyo cilmiga barashada bulshada (Sociology) ku soo kordhiyey waxyaabo badan, waxaannu faallooyin badan ka qoray cilmiga faysigiska, gaar ahaan aragtiyihii Aristotel, isagoo waliba ku daray inuu buuggaag badan xuluunta kala duwan ee sayniska ka qoro, waxana loo yaqaannay Macallinka Labaad ee cilmiyadan.
Cilmiga barashada bulshada waxa uu ka qoray dhawr buug oo ay ka mid yihiin Ara Ahl Al Madina Al Fadila, kaasoo noqday mid ka mid ah buuggaagta ugu qiimaha badan ee ugu caansan. Buuggaagta uu ka qoray cilmi-nafsiga waxay badankoodu ku salaysnaayeen shaqooyin uu soo qabtay oo uu wax badan ka ogaaday.
Sidoo kale, waxa uu qoray buug muusiga ka hadlay oo magaciisu ahaa Kitab Al Musiqa, waxaannu khabiir weyn ku ahaa cilmiga fanka, gaar ahaan muusiga, isagoo waliba ikhtiraacay aalado badan oo muusiga lagu tumo, marka laga yimaado cilmigii badnaa ee uu qoraalka muusiga ku soo daray, isagoo waliba lagu yaqaannay inuu aaladaha muusiga ku ahaa nin si fiican u tuma…. La soco….

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380