X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska. By. Abdullaahi Beershiya Qaybtii 14aad


Abu Al-Nasr Al-Farabi (870-950 C.E.)
Abu Nasr Mohammad Ibn Al Farakh Al Farabi waxa uu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaa Wasij oo u dhaw magaalada Farab ee dalka Turkistan markay taariikhdu ahayd 259 A. H. qoyskiisu waxay asal ahaan ka soo jeedaan Beershiya, balse awoowayaashii waxay u haajireen Turkistan.
Waxa uu tacliintiisii hore ku dhammaystay degaanka Farab iyo Bukhara, balse markii dambe waxa uu tegay Baqdaad oo uu tacliinta sare ku soo gebagebaystay, halkaas oo uu muddo baddan ku baranaayey cilmiyo kala duwan, laga bilaabo 901 C.E ilaa 942kii C.E intii lagu guda jiray waxa uu helay fursad ah inuu barto luuqado badan, cilmiyo kala duwan iyo waliba tiknoolajiyad waqtigaas casri ahayd. Waxa uu noloshiisa ku qaatay waqti ay is beddeleen lix khaliif oo boqortooyadii Abbasiyiiinta ah. Maadaama uu ahaa filasofar iyo saynisyahan waxa uu awood u yeesha inuu barto laamo kala duwan oo cilmiyada jira ah iyo inuu waliba khabiir ku noqdo luuqado kala gedisan.
Farabi wuxuu u safray dhulal kala gedisan, waqtiyada qaarna wuxuu wax ku bartay Dimishiq iyo Masar, balse wuxuu marar badan ku soo noqnoqonaayey Baqdaad ilaa intii ka booqanaayey Saif Al Daulas maxkamadiisa oo ahayd Xalab (Allepo), waxaannu noqday dadka aadka ugu dhaw ee la taliya xagga cilmiga boqorka, intii uu halkaas joogayna wuxuu noqday nin aqoontiisa iyo magaciisuba aad u fido… la soco….
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post