X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska. By, Abdullaahi Beershiya Qaybta 5aad

Yaqub Ibni Ishaq Al-Kindi (800-873 C.E.):
Abu Yuusuf Yaqub Ibn Ishaq Al Kindi waxa uu ku dhashay magaalada Kuufa ee dalka Ciraaq ku dhawaad sannadkii 800 C.E. Aabbihii wuxuu ka mid ahaa saraakiishii boqor Haroon Al Rashid.
Maadaama Al Kindi ku koray magalada Kufah oo ahayd halka xdudunta u ah dhaqan Carbeedka, isla markaana waxa uu ahaa dadkii wax bartay qarnigii 9aad, waana halka ugu wanaagsan ee uu aqoontiisa ka helay waqtigaas, inkastoo meelo kala duwan oo kale mahibada iyo aqoontiisa loo nisbeeyo amma loo tiriyo.
Aabbaha Al Kindi wuxuu ahaa Badhasaabka Kufah, sida uu awowgii horeba jagadaas ugu haystay, taas macnaheeduna waa wuxuu ka soo jeeday qoys boqortooyada asal ahaan ku daba leh, gaar ahaan qabiil haystay boqortooyadii koonfurta Carabta, kuwaasoo qarniyadii 5aad ilaa 6aad halkaas tegay, iyagoo waliba ah qabiilooyin yar yar oo midoobay. Waxa ay inta badan xukumi jireen maxkamadaha dadka islaamka ah.
Kadib markii uu tacliintiisa Kufah ka bilaabay waxa uu u guuray magaalada Baghdad si uu waxbarashadiisa ugu sii dhammaysto, waxaannu halkaas ka helay magac iyo aqoon, isagoo waxbarasho bilaash ahna halkaas laga siiyey. Waxa uu soo jiitay Khaliifkii halkaas xukumayey Al Mu’mun, kaasoo waqtigaas fadhiyey ‘Guriga Xikmadda’ oo ahayd halkii islaamka Baghdad looga talinayey.
Al Mu’mun wuxuu dagaal awood badan kaga guulaystay xukunka walaalkii, xilligaas oo ahayd 813kii, iyadoo boqortooyadiisu markaas xukumaysay degaanka Mery, balse 818kii u wareegtay Baghdad isagooo uu afgambi ku qabsaday… La soco….
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380