X

Islaamka iyo Cilmiga Sayniska, A. Beershiya Q. 2aad

Aabbihii Cilmiga Kimistariga Jabir Ibn Haiyan:
Jaabir waxyaabaha ugu waaweyn ee uu cilmiga kimistariga ku soo kordhiyey waxa ka mid ahaa tijaabooyin uu ku baadhay aragtiyada Alchemy, kaasoo waqtigan ka mid ah kimistariga casriga ah ee aadka loo isticmaalo.
Ninkan oo lahaa shay-baadh uu kimistarigiisa ku tijaabiyo waxa uu baaqi sii ahaa qarniyo badan oo laga faa’iidaysan jiray, balse caannimadiisu ma ay noqon mid baaqi soo noqota wax badan.
Sida gaarka ah waxyaabaha aynnu uga taaban karo ee muhiimka, kuna biiriyey cilmiga kimistariga ee inta badan walxaha kiimikaad lagaga haldo waxa ka mid ah mabda’a qurbaabinta (Crystaliztion), Xareedinta (Distillation), uumi-bixinta (Evaporation) iyo falgalo kiimikaad oo badan iyo samaynta walxo badan oo muhiim u ah kimistariga.
Xaqiiqdii ninkan waxa uu ka mid yahay dadka loo tiriyo in ay magaca Kimistari soo saareen, taasoo dadka reer galbeedka ah amma aan muslimka ahayn marin-habaabiyaan, sababtoo ah Erayga Al Kimya ee Carabiga ah waxa uu ka yimi luqadda Carabiga, kaasoo la mid ah kimistari.
Sidoo kale, waxyaabaha uu dibadda u soo saaray Jabir waxa ka mid ah macdanaha iyo Aysiidha, kaasoo markii ugu horraysay uu ku diyaariyey nidaam uu sameeyey oo la yidhaa Alembic (Anbique).
Waxa kale oo uu ninkan soo saaray wax ka mid ah waxyaabo badan oo la xidhiidha habab kiimikaad oo hadda caan ah iyo tijaabooyin badan, waxana waxyaabaha uu ku guulaystay ka mid ah inuu soo saaro curiyayaal biro ah, suntan haraga lagu shubo amma maydka dadka si aanay u qudhmin, waxyaabah miridhka lagaga hortago, dahabka iyo habayntiisa iyo waxyaabo badan oo hadda dad kale oo dunida aan Islaamka ahayn ku magac doontaan… La soco….

By. Cabdullaahi Beershiya
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380