X

Iran oo Mareegaha Bulshada (Social Media) ku Amartay inay u soo Gudbiyaan Xogta Muwaaddiniintooda

Araweelo News Network

Tehran(ANN)Dawladda Iran, ayaa hal sanno oo kama dambays ah u qabatay mareegaha ajnebiga ah (social Media) ee bulshadu ka wada xidhiidho, sida Facebook iyo Twitterka ay gacanta u soo geliyaan xogaha muwaaddiniintooda.
Sida lagu sheegay wakaaladda wararka Iran ee IRNA maalintii Axadda ee toddobadkan, waxa baraha bulshadu ku wada xidhiidho, farriimahana la isugu diro (messaging app) lagu amray in sannadkan gudihiisa ay xogta muwaadiniintooda u soo diraan mishiinka (Server) gudaha dalkooda yaal, si loo ilaaliyo xogta gaarka (Privacy) iyo ammaanka muwaadiniinta Iran.
Dawladda Iran waxa ay sharci adag ka leedahay dhaqdhaqaaqa internet-ka, inta badanna waxa ay dalkeeda ka xidhaa facebook iyo Twitter in bulshadeedu isticmaasho, inkastoo dad badan adeegsadaan barnaamijyo (Software) u saamaxaya inay isticmaalaan baraha internet-ka.
“Shirkadaha ajnebiga ah ee barahooda lagu wada xidhiidho ee internet-ku dalka ka shaqeeyaan waxa looga baahan yahay inay xogta muwaaddiniinta soo gudbiyaan oo ay dalka u soo dhiibaan dhaqdhaqaaqyada socda.” Sidaa waxa lagu yidhi war-murtiyeed uu soo saaray Golaha Sare ee Internet-ka Iran (Supreme Council of Cyberspace).
Golahan oo xubnihiisa uu soo doorto hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa shirkadda baraha bulshada (Social Media Companies) siiyey hal sanno in ay tallaabadaas ku dhaqaaqaan, kuna soo gudbiyaan xogta muwaaddiniintooda.
Shirkadaha tallaabooyinkan saamaynayaan waxa ugu horreeya Telegram oo dalka Iran ku leh 20 milyan oo isticmaalayaal ah marka loo eego 80 Milyan ee bulshada Iran ka kooban tahay, halka maamulada Iran sheegeen inay xabsiga u taxaabeen dad baraha bulshada ku faafiyey waxyaabo ka soo horjeeda dhaqanka iyo shuruucda dalka Iran sannadkii hore ee 2015.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/