X

Gaadhi Koronto ku Shaqaynaya oo Lagu Sameeyey Afrika

Araweelo News Network

Gaadhi ku shaqaynaya koronto, isla markaana aan wax shidaal ah loo isticmaalayn oo magaciisa la yidhaa Kantanka Odeneho, ayaa markii ugu horreysay lagu sameeyey dalka Ghana ee qaaradda Afrika.
Baabuurkan oo leh shan kursi oo loogu talogalay rakaabka, noociisuna yahay 4WD (Four-wheel drive) ma laha waxa ijiin shidaalka ku shaqaynaaya, balse waxa uu ku dhaqaaqayaa koronto amma daynabo 144V DC oo ka sii kooban 12 xadhig oo damb-qaybiyayaal ah. Waxa kale oo uu leeyahay baytariyo dibadda laga dabaynayo oo korontada laga siinayo iyo mid gudaha gaadhiga u sii gudbinaysa (External Charging System and Internal Charging System). Sidoo kale, waxa ku xidhan 2 baytari oo loogu talogalay in ay xawaaraha baabuurka kordhiyaan marka ay korontada helaan.
Waxa gaadhigani leeyahay oo kale qalab degdeg korontada u siinaya oo 15 daqiiqo oo kaliya ku buuxinaya baytariyadiisa, halka habeenkii lagaga tegayo dabka saddex saacadood si uu dabka korontadu ugu buuxsamo. Qalabkan korontada gaadhiga siinaya waxa cimrigiisa lagu qiyaasay inuu muddo hal sannadood ah shaqeeyo.

Dhinaca kale, dhibaatada gaadhigani leeyahay waxay tahay inuu ka dakhli badan yahay baabuurta kale ee suuqyada dalka Ghana yaal, inkastoo xawaarihiisa ugu badan oo uu yahay 24km/h, waxaanay ku qaadanaysaa inuu xawaare ku istaago 10 daqiiqo. Waxa kaloo uu leeyahay sameecado iyo qalab qaboojiyayaal uu kala siman yahay gawaadhida kale.
Gaadhigan oo uu sameeyey Eng. Kwadwo Safo waxa uu ka mid noqday waxyaabaha cajiibka ah ee dunidu hadda indhaha ku hayso, iyadoo tallaabadani qaaradda Afrika oo dhanna u soo hoysay guul iyo sharaf, maadaama dadka Afrikaanka lagu tilmaami jiray qaar hal-abuurku ku yar yahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/