X

Farriin Hanjabaad Ku Ah Facebook Oo Lagu Baahiyay Twitter-ka

Araweelo News Network

This February 25, 2013 photo taken in Washington, DC, shows the splash page for the Internet social media giant Facebook.

“Dhammaanteen waxaynu kasoo wareegnay MySpace. Sidaa s la mid ahna waynu ka wareegi karnaa Facebook.” sidaa waxa lagu yidhi,  farriin lagu gudbiyay Twitter ka dib markii ay soo baxday eedaynta ah in shirkadda Cambridge Analytica ay adeegsatay xogta shakhsiga ah ee 50 milyan oo ah, kuwaas oo ah dadka adeegsada barta Facebook, si ay galaangal ugu yeelato doorashadii Maraykanka ka dhacday 2016kii.

Ka dib waxaa bilowday baahidda astaamha #Delete Facebook ama #Boycott Facebook oo macnahoodu yahay masax Facebook iyo qaadac Facebook, kuwaas oo looga falcelinayo eedeyntaasi.

Astaanta #Delete Facebook ayaa xoogeysatay ka dib markii uu qof Twitter-ka wax ku qora soo xigtay waraysi ay BBC sannadkii 2017 la yeelatay Cambridge Analytica, kaas oo ay Theresa Wong kaga hadashay Cambridge Analytica, markii horena qeyb ka ahaa taxanaha BBC Two ka baxa ee Secrets of Silicon Valley.

Arrintan ayaa horseeday in dadka ay ku biiraan kacdoonka ka dhanka ah Facebook, iyadoo Mark Hoppus oo ka tirsan barta blink-182 uu muddo 24 saac ah 6,000 oo like ka helay markii uu soo qoray “Iska Xidh Facebook”.

Balse dad badan ayaa su’aal geliyay waxa ay ka dhigan tahay in bar bulshadu ku wada xidhiidho laga cawdo,  iyadoo oo la adeegsanayo mid kale.

 

Mid ka mid ah dadka fekerkooda ka dhiibtay astaanta #DeleteFacebook ayaa si kaftan leh u qoray “Cabashada ka dhanka ah Facebook, wuxuuna, isagoo arrintaa  ka hadlaya ku turaabay weedh hadal heyn ka noqotay Twitter oo ah bar kale oo aruurisa macluumaadka shakhsiga ah ee dadka adeegsada.”

Mid kale ayaa isna ku taliyay in maadaama Instagram uu leeyahay Facebook, “haddii aad mid ka baxdo, waa in sidoo kale aad xidhaa ka kale.”

Afhayeen u hadashay shirkadda Privacy International ayaa ka digtay in walaaca ammaanka xogta shakhsiga ah ay dhaafsiisan tahay Facebook oo aanay ahayn mid ku kooban oo keliya intaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/