X

Facebook oo Shaqaalaysiinaysa 3,000 Shaqaale si loola Socd Muqaallada Dambiyada Tooska loo Baahiyo

Araweelo News Network

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Shirkadda Facebook, ayaa qorshaynaysa inay shaqaalaysiiso 3,000 (saddex kun) qof oo dib-u-eegis ku sameeya muqaallada iyo waxyaabaha kale ee lagu baahiyo bartan xidhiidhka bulshada, kadib markii lagu dhaleeceeyey in aanay si degdeg ah falcelin uga samayn fal-dambeeyaadyada isticmaalayaashu sida tooska ah Facebook ugu baahiyaan, gaar ahaan dilka.
Shirkadda oo sannadka soo socota shaqaalaha ay qaadan doontaa gaadhi doonaan 4,500 qof si ay ula socdaan dambiyada iyo dhacdooyinka dhibta keeni kara lagu baahiyo, ugana saaraan.
Agaasimaha Fulinta, isla markaana ah aasaasaha Facebook, Mr. Mark Zuckerberg, ayaa bogga uu Facebook ku leeyahay ku qoray in shirkadiisu ka shaqaynayso sidii ay tallaabo iyo fal sax uga qaadi lahaayeen isla marka muqaalada dambiyada ah si toos (Live) ah loogu baahiyo amma qofka dhibbanaha ah ka caawin doonaan in ciidanku badbaadin karaan.
Muqaallada iyo waxyaabaha kale ee lagu baahiyo facebook ee keena rabshada waxa ay ka dhan yihiin sharciga shirkadda u yaal, balse waxa barta Facebook lagu eedeeyey in ay aad ugu liidato in waxyaabahan degdeg tallaabo uga qaado, gaar ahaan haddii qof si toos (Live) ugu baahiyo isagoo dil geysanaya.
Waxa arrintan keenay dhacdo argagax leh oo lagu geystay magaalada Cleveland ee dalka Thailand, iyadoo lagu baahiyey ilmo yar oo si toos ah loo dilayo barta Facebook, isla markaana falkaas uu ku jiray muddo 24 saacadood ah.
Inta badan waxa facebook tallaabo ka qaadaa amma ka saaraa muqaal amma qoraal, haddii dadka isticmaalayaasha ah ka cawdaan. Waxa kaloo ay ogolaadaan wararka iyo qoraalada kale ee lagu dhaleeceeyo xad-gudubyada. Inta badan masuuliyiinta shirkadda Facebook waxa ay ku doodaan in ay aad uga soo horjeedaan in faaf-reeb lagu samayso waxyaabaha lagu baahiyo, gaar ahaan muqaallada xad-gudubyada a hadlaya ee boolisku ay dhukumantari ahaanta u diyaariyaan, dagaallada aadka u foosha xun, iyagoo sheegay in kuwaasi ka turjumayaan ujeeddada shirkadan u aasaasan tahay.
“Shaqaalaha Facebook waxay dib-u-eegaan warbixino malaayiin ah toddobaad kasta. Marka laga yimaado in ay ka saraan muqaallada fal-dambeeyada ah amma in qof la dhaawici lahaa la caawiyo. Waxa kale oo hannaankan keeni doona in laga saaro waxyaabaha aan la ogolayn sida hadalada cunfiga ah iyo carruurta lagu tacadiyaayo,” ayuu yidhi Zuckerberg.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/