X

Facebook Oo Shaaciyay In Waxyaabaha Khatarta Ah Ee Lagu Baahiyo Aan Laga Saari Doonin Iyo Sababaha Loo Eegayo

Araweelo News Network

Shirkadda Facebook, ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogta ah u wajahaysay dhaleecay ku saabsan in ay ka saarto waxyaabo lagu baahiyo oo ay ku doodo in ay xad-gudub ku yihiin bulshada isticmaasha.
Inta badan oo laga cawday warbixinno, muqaallo iyo faallooyin waxa degelka bulshadu isticmaasho ee Facebook ku kacay tallaabo ah inuu ka saaro si aan loo arag amma aanay uga cadhoon dadka isticmaala, balse toddobaadkii ugu dambeeyey waxa Facebook raalligelin ka bixiyey muuqaal ay ka saareen oo ahaa wacyigelin digniin ah oo ku saabsan khatarta kansarka naasha ku dhaca oo Sweden laga soo geliyey, iyadoo sheegtay in muqaalkaas u muuqday mid xad-gudub ku ah dadka.
Waxa bartan bulshadu u adeegsato in ay ku wada xidhiidho ku dhawaaqday in hadda wixii ka dambeeya waxyaabaha laga saarayo ay u eegi doonto danta guud (Public Interests).
“Toddobaadada soo socda, waxa aan doonaynaa in aan bilawno, waxa aan doonaynaa in aan ogolaano in wax badan lagu baahiyo facebook, gaar ahaan dhinaca wararka iyo macluumaadka muhiimka ah, iyadoo loo eegaayo danta guud-xataa haddii ay xad-gudub ku tahay hannaanka guud,” ayuu lagu yidhi warmutiyeed ay si wada jir ah u soo saaren masuuliyiinta shirkadda Facebook, gaar ahaan Madaxa siyaasadda guud Joel Kaplan iyo Madaxa hawlgelinta iyo warbaahinta Mr. Justin Osofsky dhinaca xidhiidhka caalamiga iyo warbaahinta u qaabilsan.
War-murtiyeedkan waxa lagu sheegay in ay dadka kala shaqayn doonaan sidii loo hirgelin lahaa siyaasaddan cusub. Waxa kale oo lagu xusay in sannadkii hore ay shirkadda facebook raalligelin ka bixisay 1972 sawir oo ay ka saartay barteed oo ku saabsanaa haween qaxoonti ah oo iyagoo qaawan lagu qasbay in ay ka qataan Fiitnaam (Vietnam) waqtigii dagaalkii Maraykanku ku qaaday socday, iyadoo aakhirkii dib loogu soo celiyey sawiradii.
“Sababtoo waxa ay astaan u ahayd taariikh muhiim ah, waxa ay muujinaysay qiimaha in la wadaago sida ay muhiim u tahay in bulshada la ilaashado, sidaa darteed waxaan go’aansanay in sawiradaas aan Facebook dib ugu soo celiyo, iyadoo aannu ogayn in laga saaray,” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook.
Sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka ee AFP oo Jamhuuriya soo xigtay, go’aankan ugu dambeeyey waxa uu ku saabsan yahay in farriimaha, muuqaallada amma sawirrada laga saarayo loo eegi doono danta guud (Public Interests), inkastoo aanay si faahfaahsan u sheegan waxa ay ku cabbirayaan danta guud laf ahanteeda iyo siyaasadoodu waxay danta guud u taqaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post